XIRIG JIIDKA KA JIRO HOGAANKA KGS YAA KU GUULEYSAN DOONO?
(SAWIRKA)-KGS HOGAANKEEDA.
(BAYDHABO/KGS)-Baydhabo waxay martigelinaysaa marxalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, iyadoo wali la sugayo go’aanka kama dambeyska ah ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan cidda loo dhisi doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Loolanka ayaa si cad ugu soo aruuray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Xuseen Sheekh Maxamuud, oo ka mid ah xoghayeyaasha sare ee xisbiga Madaxweynaha. Labadan dhinac ayaa leh taageerayaal iyo saameyn kala duwan, taasoo ka dhigeysa tartanka mid adag oo u baahan xal siyaasadeed oo dheellitiran. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in la wado dadaallo lagu doonayo in midkood loo tanaasulo, si looga fogaado kala qeybsanaan siyaasadeed oo sii xoogeysata. Tanaasulkan la filayo ayaa noqon kara mid ku saleysan isku dheelitirnaan awood, qancinta dhinacyada kala duwan, iyo ilaalinta xasilloonida guud ee maamulka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu tiriyaa siyaasi khibrad dheer leh oo leh saameyn baarlamaan, halka Xuseen Sheekh Maxamuud uu u muuqdo musharrax ay gadaal ka riixayaan qaar ka mid ah saaxiibada siyaasadeed ee ugu dhow Madaxweynaha, taasoo siin karta fursad dheeraad ah. Wasiirada Xasan Eelay, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Roobow oo loo saadaalinayay in ay isasoo sharaxi doonaan ayaa la sheegay in kala raaceen labada Musharax, islamarkaana aysan aheyn musharaxiin taasoo sahashay in loolanka uu dhinac u dhaco. Dhammaan dhinacyada siyaasadeed ayaa indhaha ku haya go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu noqdo mid go’aamiya jihada doorashada iyo cidda ugu dambeyn hoggaamin doonta Koonfur Galbeed. Baydhabo maanta waxay ku jirtaa xaalad go’aan sugid ah, halkaas oo hal tanaasul uu ka beddeli karo dhammaan xisaabaha siyaasadeed. Waxaa la dhowrayaa go’aanka ugu dambeeya midkaas oo qeexi doona cidda hoggaanka la wareegi doonta iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka.
ISHA-GJ.