XILDHIBANO BOOQDAY XABSIGA WAAXDA SOCDAALKA EE MINNESOTA.

(SAWIRKA)-XILDHIBANO.

(MINNESOTA/USA)-Wararka laga helaayo Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Saddex ka mid ah xubnaha Congress-ka Dimuqraadiga ee Minnesota in loo diiday codsi ah in ay soo booqdaan Xabsiga Socdaalka Federaalka subaxnimadii hore maanta oo Sabti ah kuna beegan 01/10/2026-ka. Ilhan Omar,Reps. Kelly Morrison,iyo Angie Craig waxa ay yimaadeen Dhismaha Federaalka Whipple ee Fort Snelling abbaaraha 9:30 subaxnimo si ay arkaan hawlaha ciidanka ICE. Xildhiibnadan ayaa hore u codsaday imaanshaha oo balan goobta ku yimid Daqiiqado ka dib markii ay gudaha u galeen, ilhaan Cumar ayaa sheegtay in loo sheegay in laga noqday dalabkii, loona diiday in ay ka soo galaan dhismaha intiisa kale. Saaxafada ayey ku tiri "Waxaan halkan u joognaa booqasho qura sababtoo ah waxaan nahay xubno ka tirsan Congress-ka. Waxaan leenahay xuquuq kasta iyo mas'uuliyad kasta haddii aan qabaneyno shaqooyinkeena maanta halkan joog, si aan u aragno sida ay yihiin shuruudaha xaruntaas dadka lagu hayo," ayey tiri. Isku dayga booqashada ayaa timid iyada oo ay jiraan dhowr maalmood oo mudaaharaadyo ah ka dib 7-dii Jannaayo toogashadii dhimashada lahayd ee Renee Good uu geystay wakiilka ICE. Hawlgalka ICE ee gobolka ayaa sii kordhaya iyada oo boqollaal wakiillo kale la filayo inay yimaadaan dhawaan kuwaaso lagu sheegay iney dhan yihiin ilaa 2-kun askeri. Waaxda amniga gudaha ayaa sheegtay in howlgallada ka socda gobolka uu yahay kii ugu ballaarnaa abid. Markii Morrison ay sharraxday booqashadii la fashiliyay waxay sheegtay inay iridda kula kulmeen wakiilada ICE oo ku jira qaab "cad daran". ka dib waxay isu aqoonsadeen inay yihiin xubnaha Congress-ka oo ay tuseen calaamadaha congress-ka, wakiilada wali way diideen inay soo galaan. Gobolka Minnesota ayaa ah halka ugu adag ey ka socoto hawlgaladda ICE ee dalka Maraykanka, waxaane Gobolkaasi ku nool Soomaalida ugu badan ee degan Maraykanka. Meheradihii ey lahaayeen Soomaalida ayaa hoos u dhac ku yimid ka dib hawlgalkaan culus oo ka bilawday Gobolka Minnesota.

XIGASHO-SOAMLI TV MINNESOTA.

Next
Next

MAXAAN KA OGNAHAY KHILAAFKA SOO IFBAXAY EE SACUUDIGA IYO IMAARAATKA?