MAXAAN KA OGNAHAY KHILAAFKA SOO IFBAXAY EE SACUUDIGA IYO IMAARAATKA?

(SAWIRKA)-AFHAYEENKA ISBAHAYSIGA YEMAN.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii ey ka dhex qaraxday dawladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta gudaha dalka Yeman waxaa is bedel Siyaasadeed iyo mid ciidan oo xawli ku socdo uu ka dhex jiray labadaas dal. Dalalkaan ayaa ka wada tirsan Ururada Wadamadda Gacanka Khaliijka, Ururka Jaamicadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa eyna ka yihiin xunbo aad u firfircoon oo ey muuqato siyaasadooda caalamka iyo tan gobolka ey ka wada tirsan yihiin. Yeman marka la joogo waxa ey ka wada tirsanaayeen Isbahaysi uu hogaamiyo Sacuudiga dagaalna la galay kooxda ey Iraan taageerto ee Xuutiyiinta, waxa eyna ka difaaceen in Xuutiyiintu eysan u soo gudbin caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan kuna taalo K/Yeman. Marka laga soo tago dagaalkii la isla soo galay hadane waxaa jiray hadafyo qarsoon uu midba midka kale inuu kaga adkaado isku dayaayey, tusaale ahaan dalka Imaaraatka Carabta waxaa u qarsaneed iney K/Yeman iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya(Somaliland) iney soo dejiso Israel si halkaas ey ugala dagaasho kooxda Xuutiyiinta, ka dibne Israel ey suurtagasho iney iyada maamusho dhaqdhaqaaqa badaha iyo marinada muhiimka ah ee dhaca Gacanka Cadan iyo Baab AL-Mandab, halka Sacuudiga uu doonaayey inuu adkeeyo amniga xuduudaha uu la leeyahay wadanka Yeman iyo in kooxda Xuutiyiinta ineysan u soo talaabin gudaha dalka Sacuudiga si aan halkaasi uga dhicin iska hor imaad u dhexeeyo haydaha Amaanka Sacuudiga iyo dadka laga tirada badan yahay ee Shiicadda ah una dhashay Sacuudiga. Hogaamiye Ceydaruus AL-Zubeydi iyo kooxdiisa la magac baxday Golaha Ku Meel gaarka ee reer Koonfureedka(STC), waxa ey gacan saar wanaagsan la lahaayeen Imaaraatka Carabta waxayna fuliyeen hawlgalo amni oo aad u xoogan, waxa eyna Koonfurta Yeman ka geysteen xadgudub bani’adanimo midkii ugu xumaa abid ee soo mara dadka dego gobolkaas, waa sida uu sheegay maxbuus ka soo baxay xabsi ey maamuli jireen kooxda Gooni u Goosatada Koonfureedka, maxbuuskaas ayaa xirnaay sida uu sheegay muddo dhan ilaa 567-Maalmood, ehelkiisa waa ey ka quusteen iney ogaadaan wiilkooda halka uu ku xiran yahay. Waxaa intaas dhinaca socday Imaaraatkuna ku mashquulsanaay sidii Jasiiradaha Koonfurta ku yaalo looga dhigi lahaa meelo ey ku damaashaadaan Isra’iiliyiinta. Dawladda Sacuudiga oo dhibsatay Siyaasadda Imaaraatka ee guracan ayaa dawladda Yeman ee uu caalamku aqoonsan yahay ka dalbatay in Imaaraatka laga eryo dalka Yeman muudo dhan 24-saac, waxaane midaas xigtay in Sacuudiga uu duqeeyo dekeda Mukalla ey ka degaayeen Qalab ciidan iyo hub la socday, waxaane markaas banaanka yimid heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeyo labada dawladooda Sacuudiga iyo Imaaraatka, waxaane caalamku ogaaday in dawladda Imaaraatka tahay musiibo lagu soo dhex tuuray Carabta iyo Islaamka, sababi kartana in burbur xoogan uu ku yimaado Midnimada Carabta iyo Islaamka. LA SOCO QEYBTA XIGTA.

DIYAARIYE/ABKEY-SOMALIA.

Previous
Previous

XILDHIBANO BOOQDAY XABSIGA WAAXDA SOCDAALKA EE MINNESOTA.

Next
Next

WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA EE URURKA ISKASHIGA ISLAMKA OO WAR KA…..