XILDHIBANAD ILHAN CUMAR OO LOO HAYSTO DEYNTII EY WAX KU BARATAY.

(SAWIRKA)-ILHAN.

(MINNEAPOLIS/MINNESOTA)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Mareykanka, Mike Johnson (R-LA), ayaa lagu cadaadinayaa inuu tallaabo ka qaado Xildhibaan Ilhan Omar (D-MN), ka dib markii la sheegay inay ku guuldaraysatay bixinta deyn ay 2005 ka qaadatay Dowaldda, si ay isaga bixiso qarashka Waxbarashadeeda. Ururka kormeerka siyaasadda ee American Accountability Foundation (AAF) ayaa sheegay in Ilhan Omar, oo ah xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ay sanado badan ku guuldareysatay inay bixiso deymaha lagu leeyahay, isla markaana ay isku dayday inay cadaadis saarto Wasaaradda Waxbarashada ee Federaalka si ay uga badbaado bixinta lacagahaas. Madaxweynaha ururka AAF, Tom Jones, ayaa warqad rasmi ah u diray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mike Johnson, isagoo ka codsaday in mushaharka Ilhan Omar la xanibo, islamarkaasna si toos ahna loogu bixiyo deymaha lagu leeyahay.

JONES AYAA WARQADIISA U QORAY SIDAN:

“Waxaan qabnaa walaac weyn oo ku saabsan sida ay Xildhibaan Ilhan Omar u maareyn weyday deymaha lagu leeyahay." Sida ku cad xogta maaliyadeed ee Ilhan Omar ee ugu dambeysay, waxaa lagu leedahay deyn u dhaxaysa $15,000 ilaa $50,000, taas oo ay qaadday Oktoobar 2005. Jones wuxuu sheegay in haddii Ilhan Omar aysan bixinin deyntaasi, lacagtaas uu bixiyo canshuur-bixiyaha Maraykanka, maaddaama ay deyn dawladeed tahay. “Waa wax laga xumaado in qof mushahar ahaan u qaata $174,000 sanadkii, sida Xildhibaan Omar, aysan weli awoodin inay bixiso deymaheeda ardaynimo,” ayuu Jones ku daray. Ururka AAF wuxuu sidoo kale sheegay inay heleen xog muujinaysa in Ilhan Omar ay isticmaalayso saameynteeda siyaasadeed si ay u cabsi geliso Wasaaradda Waxbarashada. Jones wuxuu sheegay in ururkiisu uu gudbiyey codsi Xorriyadda Macluumaadka (Freedom of Information Act request) si ay u helaan dhammaan waraaqaha iyo fariimaha ay Ilhan Omar la wadaagtay Wasaaradda Waxbarashada, si loo ogaado haddii ay jirto wax cadaadis ah ama ku tumaasho xileed.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

EX.RW-CUMAR C/RASHIID OO KA DIGAY DOORASHADA XILDHIBAANADA HEER FEDERAAL.

Next
Next

GOLAHA SHACABKA OO MAANTA KA DOODAY HANAANKA LACAG BIXINTA QARANKA.