EX.RW-CUMAR C/RASHIID OO KA DIGAY DOORASHADA XILDHIBAANADA HEER FEDERAAL.
(SAWIRKA)-EX.RW-CUMAR C/RASHIID.
(MUQDISHO)-Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka digay in Dowlad Goboleedyada gacanta loo geliyo maamulka Doorashada Xildhibaannada heer Federaal. Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay dalka gelin doonto xaalad ka sii xun tii doorashadii hore. Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay wali talada hayaan Madaxweynayaashii Dowlad Goboleedyada ee horey u boobay kuraastii doorashadii hore, isla markaana haddii mar kale fursad loo siiyo inay saameyn ku yeeshaan maamulka doorashada, ay noqon doonto khalad weyn oo laga galay shacabka Soomaaliyeed iyo matalaaddooda siyaasadeed. “Waxaa lagu hoogi doono waa in mar kale la siiyo Dowlad Goboleedyada awood ay ku maamulaan doorashada. Xitaa haddii la dhaho tirada dadka hala kordhiyo ama State-yada ha loo dhiibo maamulka doorashada, natiijadu kama duwanaan doonto tii hore. Waa in la sameeyaa guddi madax bannaan oo qaran, oo aan Dowlad Goboleedyadu wax gacan ah ku lahayn,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid. Raysal Wasaarihii hore ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka ay aasaasto hal guddi qaran oo si madax bannaan u maamula doorashada xildhibaannada. Wuxuu ku taliyay in meesha laga saaro guddiyadii doorasho ee heer Federaal ee ay soo magacaabi jireen Dowlad Goboleedyada, islamarkaana guddiga qaran uu si toos ah u magacaabo shaqaalaha maamuli doona doorashada dowlad goboleedyada Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in khaladkii ugu weynaa ee doorashadii hore la galay uu ahaa in Dowlad Goboleedyada loo oggolaaday inay soo xulaan ergada doorashada, taasoo keentay in kuraas badan la boobo. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in mid ka mid ah khaladaadkii kale ee dhacay uu ahaa in aysan jirin guddi madax bannaan oo looga caban karo murannada kuraasta, ama kala saara kuraasta si khaldan lagu helay iyo kuwa ay cabashooyinka ka taagan yihiin.
XIGASHO-HOL.