XILDHIBAANO KALA GAARAY BAYDHABO IYO XUDUR EE DG KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-XILDHIBANO GAARAY BAYDHABO/XUDUR.

(BAYDHABO/XUDUR/KGS)-Wararka laga helaayo caasimadaha Goboladda Bay iyo Bakool ee kala ah Baydhabo iyo Xudur oo ka wada tirsan Dwalad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi ey gaareen Xildhibaano ka wada tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wufuudaan ayaa ka kala timid Muqdsiho Soomaaliya iyo Nayroobi Kenya. Wafdiga ka degay degmada Xudur ee ah Caasimadda Gobolka Bakool ayaa waxaa ka mid ahaay Xildhibaan C/laahi Black iyo Xildhibaan Cumar Balash oo labadaba ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wafdiga ayaa halkaasi waxa si diiran ugu soo dhaweeyey gudoomiyaha degmada Xudur iyo masuuliyiin kale kana wada tirsan maamulka degmada iyo bulshada rayidka ah. Xildhibaan Cumar Balash oo warbaahinta kula hadlay Xudur ayaa si adag waxa uu ula hadlay Madaxweynaha KGS Md.Laftagareen waxa uuna u sheegay inuusan sii joogi doonin KGS. Dhinaca kale, wafdiga gaaray xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo ahne Xarunta ku meel gaarka ah ee DG KGS ayaa waxaa horkacaayey Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii 10-aad hadana ah Xil Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ee BJFS Md.Xildhibaan Maxamed Mursal C/raxmaan, waxaane xubna ka ahaa Xildhibaan Aden saransoor iyo xildhibaan Xasan C/nuur. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaayo in Xildhibaanadda ka yimid dhinaca Nayroobi ey soo raaceen diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah ey leeyihiin ciidamadda Itoobiya ee qeybta ka ah kuwa Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta kuna sugan degmada Luuq ee G/Gedo, mana jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta habka ey masuuliyiintaan ku soo gaareen magaaladda Baydhabo. Horay waxaa u dhacday in Xildhibaanadda kala ah Mursal iyo Xasan C/nuur ee siyaabo kala duwan uga hadleen duulimaad la sheegay in hawada Soomaliya laga celiyey kaaso ka yimid dhanka Kenya, Xildhibaan Xasan C/nuur oo ka hadlaayey Madal lagu qabtay barta X ayaa sheegay ineysan jirin diyaarad hawada laga celiyey kana timid Kenya eyna saarnaayeen Xildibaano uu isaga ka mid yahay, halka xildhibaan Mursal uu bartiisa Facebook uu soo dhigay qoraal uu aad ugu cambaareynaayo in hawada Soomaaliya laga celiyey diyaarad uu isaga la socday. Waa mid ka mid ah jahwareerk siyaasadeed ee haysta siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeedo DGKGS. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md.Sheekh adan Madoobe ayaa shalay xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeedo DG Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uuna kala hadlay arrimaha taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/BAYDHABO.

Previous
Previous

JIGJIGA OO LAGU QABTAY SHIDAAL TAHRIIB AH.

Next
Next

GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO LA KULMAY ODAYAAL DHAQAMEEDKA KGS.