GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO LA KULMAY ODAYAAL DHAQAMEEDKA KGS.

(SAWIRKA)-ODYAASHA DHAQANKA KGS.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Koonfur Galbeed, waxaana kulanka looga hadlay xaaladda ka taagan deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay xaaladaha deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo sida ay muhiim u tahay in xal waara laga gaaro xaaladaha ka taagan deegaanadaasi. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn odayaasha uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan horumarka deeganadaasi, ayaa kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan kaalintooda adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirka wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

ISHA-NTV.

Next
Next

ISRAEL:-GENTAAL IRAAN SOO RIDAY OO HALEELAY DHISMO EY DAD DEGAN YIHIIN.