XILDHIBAANO IYO WASIIRO KA SOCDA DFS OO GAARAY LAASCAANOOD.

(SAWIRKA)-WASIIR XOOSH OO QAABILAY.

(LAASCAANOOD)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Sool ahne Caasimada Ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka SSCKHATUMO ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh uu hoyga uu ka daganyahay maagaalada Laascaanood ku qaabilay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Iyo Xildhibaanno ka socda BFS. Xubnaha uu qaabilay Wasiir Cali-Xoosh ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Xildhibaan Cumar Cabdi, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha XFS Mudane Maxamed C/laahi Faarax iyo Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka,waxa eyna masuuliyiintaasi Wasiir Cali Xoosh ku bogaadiyeen dedaalladiisa ku aaddan geeddi socodka Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC. Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Xidlhibaan Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay booqashada ay kusoo gaareen xubnaha ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay iney Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS dhamaystirayso Dowlad Goboleedka SSC.Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa ka hortimid xilka qaadis ey sheegeen xubno ka tirsan Golaha Degaanka Gaalkacyo iney ku sameeyeen Duqii degmadaasi.Warka ayaa qoraan sidatan:“Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxay caddaynaysaa in go’aankii ka soo baxay Xubnaha Golaha Degaanka ee shalay ku shiray magaalada Gaalkacyo ee sheegay in ey xilka ka qaadeen Duqa Degmada Gaalkacyo uusan ahayn mid waaafaqsan shuruucda lagu maamulo Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Sidaa daared, uu yahay go’aankii ay soo saareen mid aan sharciga waafaqsanayn waxba kama jiraanna ah.” “Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo tixtaacaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7, Cutubkiisa 6-aad, Qodobkiisa 66-aad, farqaddiisa 3-aad, waxay ugu baaqaysaa xubnaha Golaha Deegaanka iyo Maamuka Degmadaba iney dhawraan hannaka kala dambaynta Dawliga ah aynu u diyaar garoobaan qabashada Kalfadhiga Golaha Deegaanka Degmada oo ey Wasaaraddu soo shaacin doonto waqtiga ku habboon” ayuu u qornaa War-saxaafadeedka. Go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa imaanaya, iyadoo Xubno ka tirsan Golaha Degaanka Gaalkacyo oo shalay Shir yeeshay ey sheegeen iney xilka qaadis ku sameeyeen duqii degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Daacad, ka dib markii ey ku eedeeyeen Xil Gudasho la’aan iyo musuq maasuq. Qoraalkan ayaa ah midkii seddexaad ee ka soo baxa Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Puntland Cabdi Faarax Juxa kuna wajahan Golaha Degaanka ee Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Puntland,waxaa halkan laga garan karaa in DG Puntland iyo Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo kala taagan yihiin laba meel oo aad u kala fog eyna eyna adag tahay iney isu soo dhawaadaan isuguna yimaadiin meel dhexe waayo Golaha Degaanka Degmada Gaalkacyo waa Gole ey si sharci ah u soo doorteen dadka dega degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland,waxa eyna awood u leeyihiin iney xil ka qaadis ku sameeyaan masuul kasta oo ka tirsan degmada Gaalkacyo bacdamaa ey iyagu siiyeen codkooda markii uu isa soo sharaxay. Wasiir Juxa ayaa in badan Warbaahinta Puntland eedeymo uga gudbiyey DFS isagoo ku sheegay in iyadu tahay waxa ka dambeeya hawlaha ka socdo Gaalkacyo iyo guud ahaan degaanadda Puntland.

ISHA-WAKAALADO.


Previous
Previous

DFS OO WAR KA SOO SAARTAY DAGAALKA BELED-XAAWO.

Next
Next

BAARLAMAANKA TURKIGA OO DOODAYA DHISMAHA SAFAARADA SOOMAALIYA EE ANKARA.