DFS OO WAR KA SOO SAARTAY DAGAALKA BELED-XAAWO.
(SAWIRKA)-WASIIR FARTAAG.
(MUQDISHO)-Warark laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ku dhexmaray magaalada Baladxaawo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland. War-Saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa eedeymo culus loogu jeediyay iyo inuu ka dambeeyay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Beled-xaawo Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, (Axmed Madoobe). "Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ka xun tahay, si adagna u cambaaraynaysaa fal dambiyeedka uu eedaysane Axmed Maxamed Islaam ka gaystay magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo duhurnimadii maanta, halkaas oo maleeshiyaad isaga ka amar qaata ay weerar bareer ah ku qaadeen Xarumaha loogu adeego Dadweynaha iyo Xeryaha Ciidamada Qaranka" ayaa lagu yiri War-Saxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha. Waxaa sidoo kale War-Saxafadeedka lagu sheegay in caddaalada la hor keeni doono cid kasta oo ku lug yeelata weerarkii maanta lagu qaaday Ciidanka Amniga ee ku sugnaa magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
"Falkaan oo qayb ka ah dambiyada joogta ah ee uu ku kacayo Axmed Madoobe ayuu si ku talo gal ah ugu weeraray xarumo ay ka mid yihiin xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo xeryo ay dagan yihiin Ciidamada Amniga" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha. Ugu dambeyntii War-Saxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya lagu faahfaahin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaayo in dagaalka maanta ey ku naf waayeen ilaa 10-qofood oo labada dhinac ah,dhaawacana uu intaas ka badan yahay. C/rashiid Janan oo ah masuul ey J/land u soo magacawday DFS ayaa sheegay in wax laga xumaado ey tahay in dadkeyga la isku diro,waxa uuna arrinkaas ku eedeeyey Amed Madoobe,waane nasiib darro ayuu yiri in Axmed Madoobe uu in mudda ahba ka shaqeynaayey arrinkaas kuna bixiyey dhaqaale fara badan,G/Gedo ayaa hadda u muuqdo mid ey sii xumaaneyso xaaladiisa amni oo iska liidatay. Dhinaca kale,taageerayaasha DFS ee reer Gedo ayaa eedeyn cad waxa ey dusha uga tuureen Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan G/Gedo kuwaaso aan daacad ka ahayn waxa ka jira gobolka Gedo.
HALKAAN KA AKHRI WAR SAXAFADEEDKA.
ISHA-SNTV.