XILALKA KGS SIDEE AYUU LAFTAGAREEN UGU QEYBIYEY BEESHIISA HOOSE?
(SAWIRKA)-TALIYE AMIIN MADARUR IYO SARKAAL KALE.
(MUQDISHO)-Mar kasta uu maamul ka dhisan Soomaaliya ey soo wajahdo xaalad Siyaasadeed oo aad u adag waxaa dibadda yimaado ceebahii qarsoonaay ee maamulkaas gudihiisa ka jiray kuwaaso dadka intiisa badan eysan ogay kuwa ey yihiin. Maaulka KGS hadda waxa uu wajahayaa culeys Siyaaasadeed iyo mid Ciidanba, waxaaen ku socdo dagaal laba afle ah ey qeyb weyn ka tahay DFS. Wakiil Wareedka Suuq-bacaad Media oo hadda ku sugan magaaladda Baydhabo ee ah caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka KGS ayaa soo helay xoggo qarsoonaay kuna saabsan sida uu Hogaanka maamulka KGS Md Mw.C/casiis Laftagareen uu eex balaaran ugu sameeyey xilalka ey wada leeyihiin shacabka wada degan degaanadda KGS, ugun eexday beeshiisa uu ka soo jeedo ee Hariin. Hadaba waxa aan halkan idin kula wadaageynaa qaar ka mid ah Xilalka la siiyey masuuliyiinta iyo saraakiisha ku heybta ah Mw.Laftagareen.
(1)-Agaasimaha Madaxtooyada KGS-Ibrahim Baafo.
(2)-Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada KGS-Maxamed Shumuk.
(3)-Taliyaha Boolsika Qeybta G/Bay- S/Guuto.Amiin Maxamed Cusmaan Madaruur.
(4)-Taliye ku xigeenka Ciidamada Darawishta KGS-C/lle Isaaq.
(5)-Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada KGS-Madeey
(6)-Gudoomiyaha Deg.Baydhabo-Biikolo.
(7)-Xubin Gudiga Amniga Qaranka ku metelo KGS-C/fataax Shub.
(8)-Xubin Gudiga Isgaarsiinta Qaranka ku metelo KGS-Mad Macallin.
(9)-Afhayeenka Ciidanka Booliska KGS-Ma helin Magaciisa.
(10)-Gudoomiyaha Maxkamada Sare KGS- Ma helin Magaciisa.
War hadda aan ka helnay Baydhabo ayaa sheegaayo in Mw.Laftagareen uu hadda magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska ee KGS Amiin Madaruur ey horay xilka uga qaaday DFS, taaso soo magacawday Taliye cusub laguna magacaabo Saadaq Doodishe. Dhinaca kale Maamulka KGS ayaa sheegay inuu xilkii ka wada qaaday dhammaan masuuliyiinta Gobolka Bakool ka dib markii ey ka soo horjeesteen amaradiisa lana safteen Xoogaga Mucaaradka KGS ee la magac baxay Badbaadada KGS.
ISHA-SB-MEDIA/BAYDHABO.