AFAR WIIL OO SOOMAALIYEED OO XALAY LAGU TOOGTAY MINNEAPOLIS.

(SAWIRKA)-GOOBTA TOOGASHADA.

(MINNEAPOLIS/USA)-Afar dhallinyaro oo Soomaali ah ayaa lagu toogtay magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka xalay oo ahayd maalin Ciid ah. Sida ey Booliska magaaladda Minneapolis sheegeen waxa ey toogashada ka dhacday goobta ganacsiga ee Poeyes oo ah goob laga iibsado cuntada taaso ku taalo inta u dhexeyso labada wado ee kala ah Chicago iyo Lake Street waane halka ey toogashadu ka dhacday. Booliiska ayaa sheegay in ay ugu yimaadeen wiil 16 jir ah oo dhaawac ah oo ku dhex jira gaadhi meel u dhow ganacsiga Popeyes markii ay si gurmad deg-deg ah ku yimaadeen. Sidoo kalle booliiska ayaa sheegay in ay labo wiil oo kale oo 17 jir ah oo iyaga la dhaawacay, rasaasna dhowr meelood uga dhacday ay ka heleen albaabka dhisme u dhow ganacsiga Popeyes oo ah goobta toogashadu ka dhacday. Saddexda wiil ee la dhaawacay ayaa loola cararay oo loo qaaday Isbitaalka Hennepin. Booliiska ayaa sheegay in waxyar ka dib uu wiil afraad, oo isaguna 17 jir ah uu yimid isbitaalka isagoo dhaawac ah dhowr xabadoodna ay ku dhaceen. Dad goobta ku sugnaa ayaa sheegay inuu goobta ka baxsaday qofkii toogashadda geystay oo uu baabuur ku baxsaday. Lama hayo macluumaad dheerad oo la xiriira dhallinyaradan toogashadda lagu dhaawacay iyo waxa sababay. Balse waxaa dib u soo noqday, oo joogto noqday is dilka iyo is toogashadda dhallinyaradda Soomaalida. Wiilkii u dambeeyay ee toogasho lagu dilo ayaa la aasay maalintii Talaadadda, waxaana la toogtay oo la dilay Allaha u naxariisto ee Sabtidii hore. Saraakiishu dambi baarista ee Minneapolis ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa waxa keenay toogashada. Ma jiro qof loo qabtay ama loo xiray toogashadan xalay dhacday ee Afarta wiil lagu dhaawacay,booliska magaaladda Minneapolis ayaan weli soo saarin magacyadda iyo muuqaaladda wiilasha xalay la toogtay. Is dilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhacda Waqooyiga Maraykanka(Kanada iyo USA) ayaa ah mid aad u xun marka loo fiiriyo Yurub, waayo dhallinayarada joogto Maraykanka iyo Kanada ee soomaaliyeed ee ka dhacay Nolosha isuma raxmadaan oo waa ey is dilaan mana sheegaan qofka toogtay haddii ey xitaa yaqaaniin qofka uu yahay, marka caruurtaas yar yar alle hakala badbaadiyo.

ISHA-TUSMO TIMES.

Previous
Previous

ISRAEL:-GENTAAL IRAAN SOO RIDAY OO HALEELAY DHISMO EY DAD DEGAN YIHIIN.

Next
Next

XILALKA KGS SIDEE AYUU LAFTAGAREEN UGU QEYBIYEY BEESHIISA HOOSE?