XAFIISKII UNTMIS EE MUQDISHO OO LA SOO AFJARAY.
(MUUQAALKA)-WASIIR XASAN MACALLIN.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay kulan lagu soo xirayay hawlihii UNTMIS ee taageerada Soomaaliya ee dhinacyada cadaaladda iyo adeegyada xabsiyada. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay iyo UNTMIS, hay’adaha cadaaladda iyo asluubta, iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee taageerta Soomaaliya. Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay, UNTMIS iyo bah-wadaagta kale taageerada ay Soomaaliya ka siiyeen horumarinta hay’adaha cadaaladda iyo adeegyada xabsiyada, dhismaha awoodda hay’adaha iyo xoojinta ku dhaqanka sarreynta sharciga. Wasiirka ayaa sheegay in soo afjaridda hawlihii UNTMIS ay Soomaaliya u tahay marxalad muhiim ah oo lagu sii xoojinayo mas’uuliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay sii wadidda horumarinta nidaamka cadaaladda iyo hay’adaha qaranka. Waxa uu sidoo kale adkeeyay in aqoonta, khibradda iyo awoodda hay’adaha dalka laga dhisay intii ay UNTMIS ka shaqeynaysay Soomaaliya ay noqon doonaan saldhig muhiim ah oo lagu sii horumarinayo nidaamka cadaaladda. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka sii ambaqaadi doonto halka ay hay’adaha cadaaladda iyo adeegyada xabsiyadu gaareen, iyadoo xoogga la saarayo in hay’adaha qaranku si buuxda ula wareegaan masuuliyadda horumarinta iyo tayeynta adeegyadaas. Kulanka ayaa sidaas ku soo gunaanaday marxalad ka mid ah taageeradii UNTMIS ee dhinacyada cadaaladda iyo adeegyada xabsiyada, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado wada-shaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta Soomaaliya.
ISHA-GJ.