GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA HADLAY MAQAAMKA CAASIMADDA.

(MUUQAALKA)-GUDOOMIYEYAAL.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Kulanka oo ahaa casho sharaf lagu soo dhoweynayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kulanka oo uu soo qaban qaabiyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho sidoo kale ka qeyb galay wasiiro iyo Xildhibaano, taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, haweenka Soomaaliyeed, fanaaniin iyo kooxda barbaarta gaashaaman. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho uga mahadceliyey kulankan soo dhoweynta ah ee u u sameeyey, isagoo sheegay in Golaha Shacabka uu si dhameystiran uga shaqeyn doono kaalinta Golaha ee hirgelinta maqaamka caasimadda Muqdisho, si shacabka Magaalada Muqdisho ay u helaan metelaad dhab ah, islamarkaana uu goluhu si deg deg ah usoo saari doono xeerarka nidaaminaya maqaamka caasimadda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sidoo kale sheegay inuu si gaar ah xil isaga saari doono sidii shacabka caasimadda ay u heli lahaayeen maqaamka dowladeed ee ay mudanyihiin. Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in maamulka gobolka uu warbixin dhameystiran ka keeno tirada masaajiddada, dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka, mowlacyada, tirakoobka caruurta, dadka ay hoy la’aanta heyso iyo dadka dhimirka la’ ee wadooyinka caasimadda ku dayacan, si uu goluhu ula xisaabtamo hay’adaha ay khuseyso,ugana qeyb qaato daryeelkooda. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa uga mahadceliyey haweenka Soomaaliyeed kaalintooda dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalka iyo sidoo kale kooxihii fanaaniinta ahaa iyo barbaarta gaashaaman ee kulanka kusoo bandhigay suugaan ka turjumeysay horumarka dowladnimo ee dalka.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

ITOOBIYA OO KU SOO BIIRTAY WADAMADA RABA INEY MARTGELIYAAN TARTANKA CAF-2028.

Next
Next

XAFIISKII UNTMIS EE MUQDISHO OO LA SOO AFJARAY.