XAFIISKA QARAMADA MIDOOBE OO KA HADLAY XAALKA BAYDHABO.

(SAWIRKA)-SOMALIA IYO UN.

(MUQDISHO)-Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNTMIS), ayaa si adag waxa uu uga hadlay arrimaha ka taagan Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka laga cabsi qabo inuu isu bedelo gacan ka hadal ey ku geeriyoodaan dad maati ah oo waxba galabsan. Magaaladd Baydhabo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah u ah Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee KGS ayaa waxaa ku sugan dad fara badan oo ka soo barakacay degaanadda ku hareereysan oo ey gacanta ku hayaan kooxda Khawaarijta ALshabaab. Qoraalka Xafiiska Qaramada Midoobe ayaa u qornaay sidaan: “ Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNTMIS), waxa uu si dhaw ula socdaa horumarka ka socdo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kala duwanaanshaha Siyaasadeed ee u dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, waa in lagu xalliyaa wada hadal. Waxaan ka walaacsanahay saameynta xiisadaha sii kordhaaya ee ku yeelan karaan xasiloonidda Soomaaliya, Amniga, Midnimadda iyo xaaladda bani’adanimo. Waxaan ku baaqeynaa wada hadallo wax dhisaya iyo in laga fogaado ficillo kale oo horseedi kara iska horimaad ranshado wata”.

ISHA-UNTMIS.

Previous
Previous

GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA OO KU KALA QEYSAMAY DOORASHADA LAFTAGAREEN.

Next
Next

MA DIBLOMASIYIIN MASE CIIDAMADA ILAALADA KACAANKA IRAAN?