GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA OO KU KALA QEYSAMAY DOORASHADA LAFTAGAREEN.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA DFS.

(MUQDISHO)-Waxa aan la wada soconaa in Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu yeeshay Madaxweyne Cusub, Gudoomiye Baarlamaan iyo Baarlamaan ka kooban ilaa 96-xubnood. Hawshaan adag ayuu maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uu ku qabtay in ka yar 72-saacdood, waane mida keentay in dad fara badan iyo masuuliyiin Soomaaliyeed kuwaaso qaarkood ey xilal horay u soo qabteen iyo kuwa hadda xilal haayo ey isaga aamuseen ka hadlidda Doorashada ka dhacda Baydhabo. Hadaba, Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaan si wada jir ah ugu Hambalyeyn doorashada mar labaad loo doortay Mw.C/casiis Laftagareen oo ah Madaxweynaha maanta dib loo doortay inuu Hogaamiyo DG Koonfur Galbeed Soomaaliya shanta sano ee socoto. Inkasta oo aan xaqiiqo loo heyn hadana waxaa muuqaneysa in Mucaaradka Dowlada Federaalka Somaaliya ee ku mideysan dalladda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu ku kala qeybsan yahay natiijadda Doorashada ka dhacday baydhabo maanta oo Sabti ah, qeyb ka mid ah ayaa u Hambalyeeyey Laftagareen halka qeyb kalana ay ka aamuseen oo ilaa iminka eysan ka hadlin guusha Laftagareen. Siyaasiyiinta maanta sida deg dega ah ugu Hambalyeysay Laftgareen ayaa waxaa ka mid ah: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisulwasaarayaashii hore Md.Xasan Cali Kheyre iyo Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, Mw.Axmed Madoobe iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shakuu Warsame. Siyaasiyiinta isaga aamustay Guusha Laftgareen ayaa waxaa ka mid ah: “Ra’iisulwasaarihii hore Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble, Madaxeynaha Puntland Saciid Dani, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Xildhibaan C/laahi Xaaji Abuukar “Carab” iyo Maxamed Aadan Jimcaale “Koofi”, Madaxii hore ee hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, horayne u soo noqday Afhayeenkii Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu Hogaaminaayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Arrintaan ayaa si cad waxa ey banaanka u keeneysaa kala duwanaanshaha Siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed, waane mida horay u sababtay in Golahaan uu yeelan kari waayo Gudoomiye, Gudoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayaha Golaha, tan kale ee iyadan la yaabka leh ayaa ah in la awoodi kari la’ayahay in kooxi ey isticmaasho warqaddii muujineysay Astaan Golaha ilaa hadda, su’aasha taagan ayaa ah Golahaan ma noqon karyaa mid shacabka Soomaaliyeed ka samatabixya siyaasadaan cakira haddii isagii u baahanin la mideeyo?

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

GOLAHA XIRIIRKA MARAYKANKA IYO ISLAAMKA OO KA HADLAY….

Next
Next

XAFIISKA QARAMADA MIDOOBE OO KA HADLAY XAALKA BAYDHABO.