XAFIISKA BANI’ADANIMADA QM OO KA DEYRIYEY XAALADDA BAYDHABO.

(SAWIRKA)-GEORGE CONWAY.

(MUQDISHO)-Qoraal uu soo saaray Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe isla markaasne ah isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya Mr. George Conway ayaa lagu sheegay in xiisadaha iyo iska horimaadyada dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay barakiciyeen ku dhowaad 45,000 oo qof, iyadoo qoysaska ay ku qasbeen inay u qaxaan goobo ay aad ugu yar yihiin adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka bini'aadantinimo. “Waxaan ka walaacsanahay in dadka ay saameysay ay ku jiraan dadka ugu nugul kuwaas oo boqolkiiba 30 ay markii horeba ku noolaayeen xeryaha barakacayaasha—isla markaana horey ula tacaalayay saameynta isbiirsaday ee abaaraha ba'an. Gaar ahaan, haweenka, carruurta, dadka waayeelka ah, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee dhowaan barakacay ayaa hadda wajahaya khataro xagga badbaadada ah iyo xaalado bini'aadantinimo oo ka sii daraya oo ka jira hareeraha magaalada Baydhabo. Waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhinacyada inay dhowraan waajibaadka ka saaran ilaalinta dadka rayidka ah, xaqiijiyaan dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka, oo ay dammaanad qaadaan marin bini'aadantinimo oo ammaan ah, joogto ah, oo aan la huri karin oo la gaarsiiyo dhammaan dadka u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Isku duwaha ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo qaboojiyo xiisadda, lagana fogaado wax kasta oo horseedi kara iska horimaad dhiig ku daato. “Haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, xaaladda bini'aadantinimo ee magaalada Baydhabo, oo ay hadda ku nool yihiin qiyaastii 430,000 oo barakacayaal ah, way ka sii dari doontaa. “Ayuu qoraalka intaa raaciyay.

ISHA-BBC/SOMALI.

Previous
Previous

DAWLADDA SOOMAALIYA OO SI KULUL UGU JAWAABTA DG KOONFUR GALBEED.

Next
Next

WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA DALALKA SACUDIG,MASAR, TURKI IYO BAKISTAN OO KULMAY.