DAWLADDA SOOMAALIYA OO SI KULUL UGU JAWAABTA DG KOONFUR GALBEED.
)SAWIRKA)-CALI FAQI.
(MUQDISHO)-Dowladda Federaalka ayaa eedeyn culus u jeedisay mas’uuliyiin, uu ku jiro Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, iyo Guddoomiyaha Aqalka Wakiilada ee Maamulka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi inay si dadban u taageereen ama u dhiirrigeliyeen kooxda Al-shabaab, inkastoo aysan soo bandhigin Wasaaradda caddeymo faahfaahsan oo arrintaas muujinaya. "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka war haysaa in hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada, Cali Saciid Faqi, ay xiriir toos ah la leeyihiin kooxda Khawaarijta, Iyagoo fulinaya heshiisyo ay la galeen, waxay maanta faafiyeen warar been abuur ah oo ka dhan ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Ciidanka Qaranka, isla markaana difaacaya maleeshiyaadka Khawaarijta ee lagu jebiyay dagaalka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si adag u cambaaraysay una beenisay waxa ay ku sheegtay ficillo iyo hadallada shaqsiyaadkaas, iyadoo wacad ku martay in ay kula xisaabtami doonto iyaga iyo cid kasta oo kale oo ku lug yeelata falalka argagixisanimo ee noocan oo kale ah. Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Baay lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, howlgalka ayaa dhacay 29-ka Maarso 2026, waxaana lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo kooxda ka tirsan, oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Wasaaradda ayaa warkeedi sidoo kale ku sheegytay in howlgalka lagu burburiyay fariisimo iyo agab ay kooxdaasi ku howlgalaysay. War-saxaafadeedka ayaa xusay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka. Dowladda Federaalka ayaa ugu dambeyn ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, kana fogaadaan wax kasta oo gacan siin kara kooxaha argagixisada, iyadoo ballanqaadday in ay sii xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
ISHA-HOL.