XABSIYO QARSOODI AH EY LEEDAHAY IMAARAATKA OO LAGA HELAY YEMEN.

(SAWIRKA)-MAXBUUS U XIRAN UAE.

(TAIZ/YEMEN)-Ilo xog ogaal ah iyo markhaatiyaal maxalli ah ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday goobaha iyo maamulka tiro Xabsiyo Qarsoodi ah oo ay leeyihiin ciidamada Tariq Saalax, oo ku jira waxa loo yaqaan "Cutubka 400". Xabsiyadan waxaa ka mid ah meelaha Mokha, Jabal AL-Naar, Dubaab iyo xeebta galbeed ee Yemen. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Xabsiga Jabal AL-Naar uu yahay mid yar oo Qarsoodi ah, oo ku yaal aagga Jabal AL-Nar, waxaana si toos ah u maamula Camaar Saalax, waxaana kormeeraya sarkaal Imaaraati ah oo loo yaqaan Abu Harb, iyadoo amnigiisa uu kormeero Sareeya Guuto Mujahid Xazuurah.  Sida uu sheegay wariye Axmed Al-Shalafi, tifaftiraha arrimaha Yemen ee TV-ga caalamiga ah ee AL Jazeera, xabsiga Abu Musa ee AL-Khookha waxaa uu ku jira waxa loogu yeero "Xabsiyada 400", oo ka kooban qolal xabsi oo yar-yar, waxaana si toos ah u maamula ciidamada Camaar Saalax. Markhaatiyada ayaa tilmaamaya in baaritaannada iyo jirdilka ay sameeyaan koox saraakiil ah, oo ay ku jiraan Cabdul Waxid AL-Dawbali, Fahd AL-Namsha, Cabdul Nassir Al-Shamiri, iyo Sarreeye Guuto Mujahid Xazuurah, marka lagu daro Sarreeye Guuto Najib Warraq, Agaasimaha Amniga ee Hodeidah, kaasoo ku lug lahaa baaritaannada muddo laba sano ah. Ilo-wareedyadu waxay ka hadleen Xabsi Qarsoodi ah oo ku yaal Dubab oo ku yaal xerada AL-Zaamiki, kaas oo aan la shaacin oo uu kormeerayay sarkaal Imaaraati ah oo loo yaqaan Abu Xarb, iyo sidoo kale xabsigii hore ee dekedda Mokha, kaas oo ay kormeerayeen saraakiisha Imaaraatiga, oo uu ku jiro Abu Muxammad AL-Mazruuci, oo ahaa taliyaha ciidamada Imaaraatiga ee Mokha, maxaabiistana waxaa laga wareejiyay xabsiga Jabal AL-Naar wax ka yar hal sano ka hor. Macluumaadka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday xabsiga Canbara, kaas oo ka kooban dhismayaal badan oo ay ku jiraan qaybo loogu talagalay maxaabiista maleeshiyada Xuutiyiinta iyo kuwa ka soo horjeeda siyaasadda, iyo sidoo kale qol su'aalo iyo jirdil ah. Camaar Saalax, mararka qaarkood wuxuu ka qayb qaataa su'aalaha maxaabiista, sida laga soo xigtay markhaatiyada.

Next
Next

280-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO GAARAY XEEBAHA YEMEN.