280-TAHRIIBE OO ITOOBIYAAN AH OO GAARAY XEEBAHA YEMEN.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL AFRIKAAN AH.

(SHABWA/YEMEN)- BREAKING NEWS:- War deg deg ah oo hadda inaga soo gaaray Gobolka Shabwa ee dalka Yemen ayaa sheegaayo in Booliska Gobolka Shabwa ay sheegeen in laba doonyood oo tahriib ah kuwaaso ey saaran yihiin tiro dhan ilaa 280 muhaajiriin Afrikaan ah ku dejiyeen Xeebaha Carqa iyo Laxmarin ee degmada Radhuum, taasoo ah mowjad cusub oo tahriib sharci darro ah oo soo gaaray dalka Yemen. Ilo-wareedyadu waxay sharaxeen in dhammaan dadka yimid ee tahriibka ah ay yihiin muwaadiniin Itoobiyaan ah, badankooduna ay yihiin rag, waxayna dalka Yemen ku yimaadeen laba doonyood oo tahriib ah oo ka yimid Dawlad Goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya, waxaane labada doon badmaaxiin ka ah dad Soomaaliyeed. Booliisku Gobolka Shabwa waxay intaa ku dareen in Hay'adaha amnigu ay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah si ay wax uga qabtaan mowjadaha sharci darrada ah ee soo galaya dalka Yemen, iyagoo ujeedadoodu tahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida iyo ka hortagga saameynta xun iyo khataraha amniga ee ka imaan kara hawlgaladdan. Ma aha markii ugu horeysay ee dalka Yemen soo gaaraan dad tahriibayaal ah kana soo jeedo Bariga Afrika una badan Soomaali iyo Itoobiyaan,dadkaan ayaa u gudba dalka boqortooyadda Sacuudiga si ey halkaas uga helaan nolol uga fiican midii ey ku heysteen dalalkooda, balse waxaa jira dad reer Yemen ah oo dadkaan afduubta dabadeedna beeraha uga shaqeysto sida Adoontii oo kale.

XIGASHO-Q28.

Previous
Previous

XABSIYO QARSOODI AH EY LEEDAHAY IMAARAATKA OO LAGA HELAY YEMEN.

Next
Next

ISBAHAYSI CUSUB OO MILETERI OO KA KOOBAN SOOMALIYA, SACUUDIGA IYO MASAR.