XAALADDA AMNI EE K/GALBEED SOOMAALIYA OO AAD U KACSAN.

(SAWIRKA)-AMARKA KGS.

(BAYDHABO/KGS)-Wararka laga helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasis Xasan Maxamed Laftagareen la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Baydhabo, ka dib maalmo uu ka maqnaa, xilli uu sii xoogeystay khilaafka kala dhexeeya Dowladdeeda Federaalka Soomaaliya. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Laftagareen uu xalay ku hoyday qaybo ka mid ah Itoobiya, halkaas oo la rumeysan yahay inuu kula yeeshay wadahadallo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Laftagareen iyo dhinaca Itoobiya ay gaareen is-afgarad, arrintaas oo la sheegay inay culeys siyaasadeed ku noqon karto Dowladda Federaalka Soomaaliya. Soo laabashada Laftagareen ayaa ku soo beegmeysa xilli deegaano badan oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay ka jiraan diidmo iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo. Waxaa sidoo kale socda abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ka jira qaar kamid ah deegaanada maamulkaas. Wararka ayaa sheegaya in marka uu gaaro Baydhabo uu Laftagareen si cad u muujin doono mowqifka maamulka KGS ee ku aaddan Dowladda Federaalka oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ka dib markii uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo xooggan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Laftagareen awooddiisa siyaasadeed uu ku tiirsanayo laba qodob oo muhiim ah: (1)-Midda koowaad waa gacan-ku-haynta amniga magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, (2)-halka midda labaadna ay tahay xiriirka iyo taageerada uu ka helo Itoobiya, taas oo qeyb ka ah xisaabaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka. Xiisadda ayaa sii kordheysa xilli xalay magaalada Baydhabo uu ka dhacay iska horimaad kooban oo u dhexeeyay ciidamada KGS iyo maleeshiyaad hubeysan. Dhanka kale, masuuliyiinta maamulka ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay arrimaha doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo, iyadoo maamulka uu dadaal ku bixinayo xoojinta xiriirka uu la leeyahay odayaasha dhaqanka. Xaaladda Koofur Galbeed ayaa sii murugsan, iyadoo xiisadda siyaasadeed ay ka dhalatay muran la xiriira doorashada maamulka oo muddo dhaaftay, taas oo sidoo kale iftiimisay khilaaf cusub oo u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo Laftagareen. Dhinaca kale, waxaa isa soo taraayo cabsida amni ee ka jirta magaaladda Baydhabo oo waxaa soo baxay laba amar qoraal ey soo kala saareen Taliska Ciidamadda Gaarka ah ee KGS iyo Wasiirka Amniga gudaha ee KGS oo isku hal hayad ah,qoraalada ayaa kuwada saabsan Amniga ahne amaro la kala dul dhigay Saraakiisha Ciidamadda ka hawlgala KGS iyo Isbitaaladda ka hawlgala magaaladda Baydhabo. Isbitaaladda gaarka loo leeyahay ayaa la amray ineysan daaweyn karin qof dhaawac ah oo aan soo marin Hayadaha Amaanka KGS, halka Saraakiisha ciidamadda lagu amray ieysan meelna uga safri karin magaaladda Baydabo. LA SOCO.

ISHA-WAKAALADDO.

Next
Next

YEMEN OO KA DIGTAY SOCDAALKA SHARCI DARADA AH EE AFRIKAANKA.