SIDEE AYUU IN LA DIL UGA BADBAADAY HOGAAMIYAHA CUSUB EE IRAAN?

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA IRAAN EE CUSUB.

(TEHRAN/IRAN)-Codad la duubay oo la baahiyay ayaa shaaca ka qaaday in Hoggaamiyaha cusub ee Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, uu si dirqi ah uga badbaaday geeri ilbiriqsiyo gudahood intii lagu jiray weerarkii cirka ee lagu bartilmaameedsaday xarunta uu aabihiis degan yahay ee Tehran dabayaaqadii Febraayo, kaasoo lagu dilay aabihiis, hoggaamiyihii hore ee Sare Cali Khamenei, iyo tiro ka mid ah saraakiisha sare. Sida laga soo xigtay Cod la duubay uu helay Wargeyska Ingiriiska ee The Telegraph, Mojtaba Khamenei wuxuu ahaa bartilmaameedkii weerarkii dhacay Febraayo 28, laakiin wuxuu u baxay beerta guriga dhowr daqiiqo ka hor inta aysan gantaalladu dhicin, taasoo ka badbaadisay dhimasho. Codka la duubay waxaa ku jira khudbad uu Mazaher Xuseyni, Madaxa hab-maamuuska ee Xafiiska Cali Khamenei, u jeediyay tiro ka mid ah culimada iyo taliyayaasha Ilaalada Kacaanka Iiraan intii lagu jiray kulan ka dhacay 12-kii Maarso magaalada Tehran. Duubista si madax-bannaan ayaa loo xaqiijiyay. Xuseyni wuxuu sharraxay in Mojtaba Khamenei uu dhaawac fudud ka soo gaaray lugta weerarka, halka xaaskiisa iyo wiilkiisa isla markiiba la dilay, wiilka soddogga ahna la dilay markii gantaalladu ay ka soo baxeen jirkiisa. Wuxuu sidoo kale xusay in meydka Moxammad Shirazi, oo ahaa madaxa Xafiiska militariga ee Hogaamiyaha Sare, uu si xun uu ugu googooyay qaraxa, taasoo ey kasoo hilibkiisa ey ka soo hareen dhowr cad oo la aqoonsan karo. Mojtaba Khamenei wuxuu ku noolaa isla xarunta aabihiis ee caasimadda Tehran, taas oo sidoo kale ay ku jirto hool diimeed oo uu khudbadihiisa ka jeedin jiray Hoggaamiyihii hore ee Sare, iyo sidoo kale guryaha dhowr xubnood oo ka tirsan qoyska Khamenei. Sida laga soo xigtay codka la duuay, weerarku wuxuu dhacay xilli Cali Khamenei uu shir kula lahaa saraakiisha sare ee amniga gudaha xarunta, taasoo keentay dhimashada dhowr qof oo caan ah, oo ay ku jiraan Moxammad Pakpour iyo Wasiirka Difaaca Iiraan Aziz Nasirzadeh. Xuseyni wuxuu tilmaamay in duqeymuhu ay isku mar bartilmaameedsadeen dhowr goobood oo ku yaal xarunta, si loo baabi'iyo dhammaan qoyska Khamenei, isagoo intaa ku daray in saddex gantaal ay si toos ah ugu dhaceen guriga Hoggaamiyaha Sare. Gantaalada ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday guriga Mojtaba oo ku yaal dabaqa sare, iyo sidoo kale guriga wiilka uu soddogga u yahay, Mesbah al-Hoda Bagheri Kani, iyo guriga walaalkiis, Mostafa Khamenei, iyo xaaskiisa. Tan iyo markii la duqeeyay, midkoodna wiilasha kale ee Cali Khamenei ma uusan soo muuqan fagaare, mana aysan soo saarin wax hadallo hambalyo ah ama ballanqaadyo dadweyne ah oo daacadnimo ah ka dib markii Mojtaba Khamenei loo doortay Hoggaamiyaha Sare. Mojtaba laftiisu ma uusan soo muuqan fagaare tan iyo bilowgii dagaalka ama siddeed iyo toban maalmood ka dib magacaabistiisa, muuqaalkiisa kaliya ee dadweynaha uu soo muuqday wuxuu ahaa farriin qoraal ah oo laga sii daayay telefishanka dawladda. Maqnaanshahan ayaa dhaliyay hadal hayn ku saabsan caafimaadkiisa, oo ay ku jiraan hadallo uu jeediyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo tilmaamay in xaaladdiisu ay ka sii daran tahay tan Tehran ay qiranayso. Sida laga soo xigtay Hosseini, bartilmaameedsiga Mohammad Shirazi waxaa sidoo kale looga gol lahaa in lagu carqaladeeyo geeddi-socodka kala-guurka ee ka jira hay'adda militariga, iyadoo la tixgelinayo doorkiisa muhiimka ah ee isku xirka hoggaanka militariga iyo xafiiska Hogaamiyaha sare.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WASAARADDA AMNIGA GUDAHA KGS OO XAYIRAAD KU SOO ROGTAY SARAAKIIL.

Next
Next

XAALADDA AMNI EE K/GALBEED SOOMAALIYA OO AAD U KACSAN.