WIIL SOOMALIYEED OO LAGU TOOGTAY SHAKAPEE/MINNESOTA.

(SAWIRKA)XARUNTA.

(SHAKOPEE/MINNESOTA)-Wararka laga helaayo Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in maalintii shalay oo Arbaca ahayd in Wiil da’diisa lagu sheegay iney tahay 26 jir lagu toogtay goobta Canterbury Park oo lagu tukanayey Salaada Ciida sida ay booliisku magaaladda Shakopee sheegeen. Saraakiisha booliiska Shakopee ayaa ka jawaabay taleefan gurmad deg-deg ah abbaare 9:55 subaxnimo, booliiska ayaa sheegay in ay goobta ugu yimaadeen wiil dhaawac ah oo shan xabadood lagu dhuftay. Booliiska iyo shaqaalaha gurmadka Caafimaadka deg-deg ah ayaa isla markiiba wiilka la toogtay u qaadeen Isbitaalka Hennepin Healthcare si loogu daweeyo. Booliska Shakopee ayaan ila hadda gacanta ku heyn cidda geysatay toogashada wiilkaas dhallinyarada ah, balse waxa ay bilaabeen baaritaan la xiriira toogashadda iyagoo ka shaqeynaya sidii loo aqoonsan lahaa dadkii mas'uulka ka ahaa toogashada. Warbixin ku saabsan xaaladda wiilka la toogtay weli lama helin mas'uuliyiintuna ma aysan soo saarin wax macluumaad dheeraad ah. Warar gadaal ka soo baxay ayaa sheegaayo in wiilka la toogtay uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Warar aan weli xaqjiin ayaa sheegaayo in toogashada Shakapee ka dhacday shalay oo Arbaca ahayd uu geystay wiil kale oo isna Soomaali ah balse aan la sheegin magaciisa iyo halka uu degan yahay,wararka ayaa tibaaxaayo in wiilka la toogtay uu dhalay nin u dhaqdhaqaaqa arrimaha Bulshada ee Gobolka Minnesota lana yiraahdo Maxamed Ismaciil Ibrahim xubin sarane ka ah Gudiga waxbarshada Minnesota ee dalka Maraykanka.

ISHA-WAKAALAD.

Previous
Previous

EU-DA OO KU BAAQAY IN DIB LOO FURO WADA HADALADDA DOORASHOOYINKA SOOMAALIYA.

Next
Next

SHARIIFKA OO KU CAMIRANAAYO IN DFS EY DILI DOONTO.