SHARIIFKA OO KU CAMIRANAAYO IN DFS EY DILI DOONTO.

(SAWIRKA)-SHARIFKA EE GARAWE.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Waxaa si wen loo hadal hayaa saacadihii ugu danbeeyay ee saaka ilaa galabta warar sheegaya in Hay’adaha amaanka ee Dowlada Somalia wadaan qorshe halis ah oo ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed. Wararkaan oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa sheegaya in Dowladu qorsheysay in Shariif ama ay xabsiga soo dhigaan ama ay isaga dhanba ka taqalusaan oo shirqool dil loo maleego xili warkaasi durba uu gaaray Shariif sida xogaha qaar sheegayaan. Meelaha la isugu yimaado sida Hoteelka oo ay shirarka ku qabtaan mucaaradka ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin goobaha lagu beegsan karo Shariifka ee ama lagu dili karo ama laga soo xiri karo madaama uu hoygiisa ilaalo badan ku heysto. Shariif laftigiisa ayaa laga soo warinayaa inuu ku adkeysnayo inaan la cabsi geli karin oo uu sii wadan doono dhaq dhaqaaqyada uu Dowlada uga soo horjeedo islamarkaana aysan waxba u dhimi karin Dowlada muda xileedkeedii dhamaaday. Si kastaba wararkaan oo ah kuwo baraha bulshada uun ku eg ayaan jirin wax cadeyn ah loo hayo jiritaankeeda,xitaa shariif wararka jawaabta ah ee laga sheegay ma jirto cadeyn sida inuu isagu ka hadlay. Cabsidaan soo wajahday Shraiifka ayaa ah mid soo bilaabatay 10-kii bishan ka dib markii ey kooxda Mucaaradka ku dhawaaqeen iney sameynayaan banaanbax aad u weyn gudaha caasimadda Muqdisho kaaso ugu dambeyntee ku soo dhammaaday fashiliyo kalacarar. Isla waqtigaas ayuu Shariifku sheegay in loo diray Snipers waan mid duuban oo Shariif beentaan isaga ayey ka soo bilaabat kuna dhammaaneysaa.

ISHA-DY.

Previous
Previous

WIIL SOOMALIYEED OO LAGU TOOGTAY SHAKAPEE/MINNESOTA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO SI ADAG UGA HADLAY XIRIIRKA SL IYO ISRAEL.