WEERARADA MARAYKANKA KU QAADO ARGAGIXISADA OO SABABAY DHIMASHO IYO DHAAWAC.
(MUUQAALKA)-DRONES.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Warbixin cusub oo ay 28-kii Sebtembar 2026 daabaceen Arab Reporters for Investigative Journalism (ARIJ), iyadoo adeegsanaysa xog ay soo ururisay hay’adda Airwars, ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ee Mareykanka iyo kuwa isbahaysiga uu hoggaamiyo ee ka dhacay Soomaaliya, intii u dhexeysay 2007 iyo dhammaadkii May 2025, ay sababeen dhimasho iyo dhaawac loo geystay dad rayid ah. Xogta baaritaanka ayaa muujinaysa in Soomaaliya ay ka mid tahay afarta dal ee Carabta ee lagu sameeyay daraasadda, kuwaas oo sidoo kale ah Yemen, Suuriya iyo Ciraaq. Baarayaashu waxay falanqeeyeen 884 hawlgallo duqeyn ah oo ka dhacay afarta dal, kuwaas oo guud ahaan sababay ugu yaraan 3,336 dhimasho iyo dhaawac oo rayid ah. Marka Soomaaliya si gaar ah loo eego, xogta Airwars ee ay ARIJ adeegsatay waxay diiwaangelisay 216 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Mareykanka iyo isbahaysigiisa, iyadoo tiradani tahay tirada ugu yar ee la xaqiijin karo ee ku jirta xogta baaritaanka. ARIJ waxay sheegtay in xogta lagu saleeyay dhacdooyin ay Airwars awooday inay diiwaangeliso, taas oo ka dhigan in aanay ahayn tirada dhammaan khasaaraha rayidka ee suurtagalka ah. Airwars, oo muddo dheer diiwaangelinaysay khasaaraha rayidka ee duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, waxay hadda sheegaysaa in ay diiwaangelisay 102 dhacdo oo la xiriira waxyeello loo geystay rayidka, iyadoo qiyaastay in inta u dhexeysa 85 iyo 162 rayid ah lagu dilay hawlgallada Mareykanka ee Soomaaliya. Airwars waxay sidoo kale sheegtay in 23 ilaa 26 carruur ah ay u badan tahay in lagu dilay dhacdooyinkan. Warbixintu waxay sidoo kale xustay in duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ay billowdeen 2007, kaddib markii ay kordheen howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana sannadihii dambe duqeymo Mareykan ah laga fuliyay meelo kala duwan oo Soomaaliya ah. Diiwaanka Airwars wuxuu muujinayaa in duqeymo Mareykan ah ay ka dhaceen Puntland, gaar ahaan buuraha Calmiskaad iyo agagaarka Boosaaso, kuwaas oo badankood lagu sheegay in lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaal ka tirsan Daacish-Soomaaliya. Tusaale ahaan, bishii May 2025 waxaa duqeymo laga fuliyay aagga Miraale iyo buuraha Golis, halka AFRICOM ay sidoo kale sheegtay duqeymo ka dhacay koonfur-bari Boosaaso. Airwars ayaa sheegtay in xogteedu ay ku salaysan tahay ilo furan, warbaahin maxalli ah, ogeysiisyada dhimashada iyo aaska, iyo xog kale oo la isbarbar dhigo. Hay’addu waxay sidoo kale kala saartaa xogta ku saabsan khasaaraha rayidka iyadoo adeegsanaysa heerar lagu qiimeeyo kalsoonida xogta.
ISHA-HOL.