SOOMAALIDA LAGA MUSAAFURIYEY G/MINNESOTA OO AAD U BATAY.

(MUUQAALKA)-SOOMAALIDA MINNESOTA.

(MINNEAPOLIS/MNN)-In ka badan 500 Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sanadkan loo soo saaray amarro masaafurin ah, iyadoo maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dardargeliyay dhageysiyada magangelyada isla markaana uu adkeeyay waddooyinka sharci ee ay dadkaasi ku heli karaan ilaalin. Sida lagu sheegay falanqayn ay samaysay warbaahinta Minnesota Star Tribune, in ka badan 1,000 qof oo Soomaali ah ayaa tan iyo bishii Febraayo loo soo saaray amarro masaafurin ah, halka in ka badan kala bar amaradaasi ay khuseeyaan Soomaali ku nool Minnesota. Tiradan ayaa ku dhowaad toban jeer ka badan tii la diiwaangeliyay sannadkii 2025-ka. Qaar ka mid ah dadka loo soo saaray amarada masaafurinta ayaa hore loo masaafuriyay, halka kuwo kale lagu xiray xarumo dadka lagu hayo oo ay ku jirto xabsiga Guantánamo Bay ee Cuba. Ugu yaraan laba qof oo ka soo jeeda Minnesota ayaa halkaas lagu xiray. Arrintan ayaa soo xoogeysatay kadib markii maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaddidayo fursadaha ay Soomaalidu ku heli karaan ilaalinta sharci. Bishii Janaayo waxaa lagu dhawaaqay in la soo afjarayo ilaalinta ku-meelgaarka ah ee Soomaalida, halka bishii Febraayo la sameeyay nidaam maxkamadeed oo dedejiya dhageysiyada kiisaska magangelyada Soomaalida. Qareennada socdaalka ayaa sheegay in kiisaska Soomaalida loo sameeyay jadwal gaar ah, iyadoo dhageysiyada qaarkood lagu qabanayo internetka, isla markaana aanay inta badan ka dhicin meel ay dadweynuhu si furan uga qayb geli karaan. Sida xogta lagu sheegay, ku dhowaad dhammaan go'aannadii masaafurinta ee siddeeddii bilood ee ugu horreysay 2026-ka waxay ku saabsanaayeen Soomaali lagu daray nidaamka dhageysiyada la dedejiyay. Dhanka kale, Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka ayaa sheegtay in tallaabooyinkan loogu talagalay ilaalinta muwaadiniinta Maraykanka, iyadoo dowladda ay ku doodday in dadka dalka si sharci-darro ah ku soo gala ay wajihi karaan masaafurin ama loo diri karo dal saddexaad. Qareennada dadka Soomaalida ah ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in qaar ka mid ah dadka la masaafurinayo loo diro dalal aysan xiriir hore la lahayn. Qaar ka mid ah Soomaalidii lagu hayay Guantánamo Bay ayaa markii dambe loo qaaday Kenya, halka kuwo kale laga yaabo in loo diro dalal Afrikaan ah oo aqbalaya dadka laga soo masaafuriyo Maraykanka. Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in maamulka Maraykanku uu kiisaska qaar ku doodayo in Soomaaliya ay ammaan tahay, iyadoo qareennada iyo hay'adaha kale ay tilmaamayaan digniino ka soo baxay dowladda Maraykanka oo ku saabsan khataraha amni ee ka jira dalka. Si kastaba, xogta la soo bandhigay ayaa muujinaysa in dadka Soomaalida ah ee ku guuleystay kiisaska magangelyada sanadkan ay jireen, iyadoo 148 qof oo Soomaali ah ay ku guuleysteen kiisaskooda socdaalka, in ka badan 70% ka mid ahna ay ahaayeen haween.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO BALAARINEYSA DAGAALKA KOOXDA ALSHABAAB.

Next
Next

WEERARADA MARAYKANKA KU QAADO ARGAGIXISADA OO SABABAY DHIMASHO IYO DHAAWAC.