WAX KA OGOW DADKA LAGA DILAY IRAAN.

(SAWIRKA)-DADKII EY LAAYSAY ISRA’IIL.

(TEHRAN)-Dhowr taliyeyaal sare oo ka tirsan militariga Iran iyo Saynis- yahano Nukliyeer ah ayaa lagu dilay duqeymo ballaaran oo diyaaradaha Israel ey ku bartilmaameedsadeen Tehran iyo magaalooyin kale oo dalka ah saacadihii hore ee Jimcihii, sida ey sheegtay warbaahinta dowladda Iran. Mowjadaha weerarrada ayaa sii socday Sabtidii maalintii labaad. Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Sareeya Gaas.Mohammad Bagheri, oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iran, Gen. Xuseen Salami, Madaxa ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo taliyihii sare ee IRGC Gen. Golaam Cali Rashid, Madaxii Xarunta dhexe ee ciidamada Iran. Weerarada Israel ayaa sidoo kale galaaftay nolosha Saynisyahano caan ah oo u dhashay Iran, sida Fereydoon Abbasi, Mohammad Mehdi Tehranji, iyo Abdolhamid Minoujer. Cabaas, oo ahaa Xildhibaan hore, ayaa horay uga badbaaday isku day dil sanadkii 2010-kii. Duqeymaha Israa’iil ayaa billowday abaaro 3-dii aroornimo ee xilliga maxalliga ah (23:30 GMT) waxaana lagu bartilmaameedsaday Xarumaha militariga iyo kuwa Nukliyeerka, iyo sidoo kale goobaha la deggan yahay. Meelaha lagu garaacay Tehraan waxaa ka mid ah Xaafadaha Waqooyiga sida Qeytariyeh, Niavaran, Nobonyad, Mahallati, Kamraniyeh, Saadatabad, iyo Andarzgoo. Meelaha kale ee la duqeeyay waxaa ka mid ah Mehrabad, Narmak, Sattakhan, Farahzadi, iyo degmooyin dheeraad ah oo ku yaalla caasimadda. Meel ka baxsan Tehran, Xarunta Nukliyeerka ee Nadhanza ee Gobolka Isfahan ee bartamaha Iran ayaa la beegsaday. Fiidiyowyo ku wareegayay khadka internet-ka ayaa muujinaya holac iyo qiiq ka kacaya agagaarka xarunta, halka Hay'adda Tamarta Atoomikada Caalamiga ey sidoo kale xaqiijisay in "goobta Nadhanza (ey) ka mid ahayd bartilmaameedyada." Dhismaha millatariga ee Parchin, oo ku yaal meel qiyaastii 30 kiiloomitir (19 mayl) Koonfur-Bari kaga beegan Tehran, ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in la duqeeyay, iyada oo ey weheliyaan dhawr saldhig oo kale oo milatari oo ku yaalla caasimadda. Wararka ka imaanaya Gobolka Mazandaran ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday saldhigyo ciidamada dowladda ey ku leeyihiin gobolka Mazandaran. Qaraxyo ayaa sidoo kale laga soo sheegay dhowr magaalo oo kale, oo ey ku jiraan Qom, Khorramabad, Hamedan, Tabriz, Piranshahr, West Azerbaijan, Kermanshah, Ilam, iyo Arak, sida laga soo xigtay ilo maxalli ah.

IRAAN OO WACAD KU MARTAY 'CIQAAB DARAN'

Isagoo ka jawaabaya weerarradaas, ayuu hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Ali Khamenei soo saaray bayaan si adag ku qoran, isagoo cambaareeyay gardarada, wuxuuna wacad ku maray iney aargoosi adag yeelan doonto. "Maamulka Sahyuuniyadda wuxuu dambi ka galay dalkeena qaaliga ah maanta waaberigii isagoo wata gacmihiisa shaydaaniga ah, oo gacmaha dhiigi ku jiro, waxay daaha ka qaadeen dabeecaddiisa xaasidnimo xitaa si ka badan sidii hore iyagoo bartilmaameedsanaya meelaha la deggan yahay," ayuu yiri. "Taasi waa in maamulka [Zionist] uu odoroso ciqaab adag, Ilaahay fadligiis, cududda xoogga badan ee ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ma sii deyn doonto iyaga oo aan la ciqaabin." Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in dhowr Taliyeyaal iyo Saynisyahano u dhashay Iran lagu dilay weerarada, iyadoo dhanka kale carabka lagu adkeeyay in kuwa badali doona ey si deg deg ah u sii wadan doonaan howlahooda. "Dambiyadan, taliska Zionist wuxuu naftiisa u diyaariyey qaddar qaraar, xanuun badan, oo ey hubaal ahaan arki doonto," ayuu yiri Khamenei.

Sareeya Guuto. Abolfazl Shekarchi, oo ah afhayeenka ciidamada Iran, ayaa sidoo kale soo saaray digniin culus, isagoo ku dhawaaqay in Isra’iil "ey bixin doonto qiimo culus." "Waa iney jawaab adag ka filayaan ciidamada qalabka sida, midna waa ey heli doonaan, ma jirto baahi loo qabo walaac, Mareykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda labaduba waxay wajihi doonaan jawaab adag," ayuu Shekarchi u sheegay TV-ga qaranka Iran. Weerarada Israel ayaa kusoo beegmaya iyadoo ey sii kordheyso xiisada gobolka, waxaana uga sii daray hanjabaad dhawaan kasoo yeertay mas’uuliyiinta ugu sareysa Israa’iil oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo ku hanjabay iney weeraro ka geysanayaan kaabayaasha Nukliyeerka ee Iran. Kordhinta ayaa sidoo kale shaki gelinaysa mustaqbalka wada xaajoodka Nukliyeerka ee u dhexeeya Tehran iyo Washington. Wajigii lixaad ee wadahadalada dadban ee loo balansanaa Axada, ayaa hadda u muuqda in la baajiyay, sida ey sheegeen ilo xog ogaal ah.

KHASAARAHA DHIMASHADA IYO DHAAWACA:

SARAAKIISHA sarSARE EE LA DILAY:

- Sareeya Gaas. Mohammad Bakheri, Madaxa ciidamada Iran

- Jeneraal.Xuseen Salami, Madaxa Ilaalada Kacaanka Iraan.

- Jeneraal.Golaam Ali Rashid, taliyaha sare ee Ilaalada Kacaanka.

- Jeneraal.Amir Ali Hajizadeh, Ciidamada Cirka ee Ilaalada Kacaanka

- Jeneral.Mehdi Rabani, Ku Xigeenka Madaxa howlgallada

- Jeneral.Golamreza Mehrabi, Ku Xigeenka Sirdoonka

- Sareeya Guuto.Davood Shekhiyan, Difaaca Cirka ee Ilaalada.

- Sareeya Guuto.Masoud Shane'i, Madaxa Xafiiska Shaqaalaha, Taliyaha Ilaalada Kacaanka.

- Fereydoon Abbasi, Cilmiga Nukliyeerka.

- Mohammad Mehdi Tehranji, Cilmiga Nukliyeerka.

- Abdolhamid Minoucher, Saynisyahanka nukliyeerka.

- Ahmadreza Zolfaghari, saynisyahan Nukliyeer ah.

- Sayyed Amirhossein Faqhi, Saynisyahan Nukliyeer ah.

- Motablizadeh, Saynisyahanka Nukliyeerka ah.

- Ali Bakaei Karimi, Cilmiga Nukliyeerka.

- Mansour Asgari, Saynisyahanka Nukliyeerka.

- Siciid Borji, oo ah Saynisyahan Nukliyeer ah.

MAGAALOOYINKA IYO GOOBAHA LA BEEGSADAY:

- Nadhanza Xarunta Nukliyeerka.

- Xarunta Nukliyeerka ee Parchin.

- Xarunta Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Tehran.

- Qeytariyeh, Tehran.

- Niavaran, Tehran.

- Chitgarh, Tehran.

- Mehrabad, Tehran.

- Mahallati Complex, Tehran.

- Shahid Chamran Nobonyad Complex, Tehran.

- Kamraniyeh, Tehran.

- Narmak, Tehran.

- Saadatabad, Tehran.

- Andarzgoo, Tehran.

- Sattakhan, Tehran.

- Shahid Dehghani Complex, Tehran.

- Farahzadi, Tehran.

- Ozgul, Tehran.

-Qom.

-Khorramabad.

- Hamedan.

- Parchin.

- Qasr-e Shirin.

- Tabriis.

- Galbeedka Asarbayjan.

- Piranshahr.

- Kermanshah.

-Ilaam.

- Arak.

ISHA-ANADOLU.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY SAHMINTA SHIDAALKA.

Next
Next

IRAAN OO SHEEGTAY INEY KA HORTAGTAY MARKAB INGIRIISKU LEEYAHAY…