IRAAN OO SHEEGTAY INEY KA HORTAGTAY MARKAB INGIRIISKU LEEYAHAY…
(SAWRKA)-MARKABKA INGIRIISKA LEEYAHAY OO JIHADII LAGA WEECIYEY
(TEHRAN)-Wararka laga helaayo aasimadda dalka Iraan ee Tehraan ayaa sheegaayo in Ciidanka Badda ee dalka Iran,ey Badda Cumaan ku joojiyey Basaasiin u dhashay dalka Ingiriiska oo doonayey inuu Israa’iil ka caawiyo sidii ey u weerari lahayd Iran. Basaasiin Ingiriiska ah oo Markabka Ingiriiska ee dagaalka ayaa waxaa badda Cumaan ku joojiyay ciidamada badda ee Iran, waxayna ku qasbeen inuu beddelaan jihada uu u socday. Markabka dagaalka ee Ingiriiska ayaa xalay soo galay Waqooyiga Badweynta Hindiya,ujeeddadiisuna waxa ey Iraan ku sheegtay iney ahayd inuu hago gantaallada Israa’iil ee ku wajahan dhulka Iiraan, waxaane lagu aqoonsaday habkii sirdoonka ee ciidammada badda ee Iiraan. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ciidanka Badda ayaa soo saaray digniino, iyaga oo ka hortagaya in Markabkaan wax burburiyaha uu sii wato wadadii uu u mari lahaa Gacanka Faaris. Burburiyaha ayaa lagu qasbay inuu beddelo jidkiisa. Waxaa sii kordhaayo xaaladda colaada ee hadda ka taagan Bariga dhexe,waxaane dhici karta in dagaalku saameeyo dalal kale oo isla gobolka ah haddii eysan wax isbedelin maalmaha soo socdo.
ISHA-SB-MEDIA.