WASIIRR FIQI IYO TALIYAHA XDS OO BOOQDAY RAAGE CEELLE IYO XAAJI CALI.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO TALIYAHA CIIDAMADA XDS.
(SH/DHEXE/H/SHABELE)-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaannada Xaaji Cali iyo Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka gaareen furimaha dagaalka ay caddeyn u yihiin in argagixisada Al-Shabaab ay lumisay awooddii ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateyn jirtay. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista howlgalada dalka looga ciribtirayo argagixisada, ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan. Wuxuu sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda iyo geesinimadooda, isagoo caddeeyay in ay ku jiraan jihaad xaq ah oo ay ku difaacayaan Diinta, dalka iyo dadka. Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku ammaanay doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan howlgalada socda, isagoo faray inay sii xoojiyaan feejignaanta, wadajirka iyo adkeysiga si loo gaaro guulo isdaba joog ah. Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay sii wadaan howlgalada ilaa laga ciribtiro argagixisada Al-Shabaab, lana xaqiijiyo amniga guud ee dalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku dardargelinayaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada Al-Shabaab, isla markaana lagu xoojinayo niyadda iyo diyaar-garowga ciidamada ku sugan furimaha hore ee dagaalka. Dhinaca kale,Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS oo Hawlgal Amni Xaqiijin ah ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa hawlgal qorsheysan oo lagu xaqiijinayo amniga ka fuliyay deegaannada Leego, Warta Madax Maroodi, Iidow Jalaat, iyo Saaxweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalkan ayaa ujeeddadiisu ahayd adkeynta amniga, kahortaga dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada, iyo xoojinta kalsoonida shacabka ku nool deegaannadaasi. Intii uu hawlgalku socday, ciidamadu waxay baaritaanno amni ka sameeyeen goobaha muhiimka ah iyo waddooyinka isku xira deegaannada. Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa sii wada hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, iyadoo shacabka lagu boorinayo inay la shaqeeyaan hay'adaha amniga, kana warbixiyaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida.
ISHA-SNA.