HAYADDA DUULISTA MIDAWGA YURUB OO JOOJISAY DUULIMAADYADDA WADAMDA….

(SAWIRKA)-GAROON DIYARADEED EE YURUB.

(BENGALURU/INDIA)-Hay'adda Badbaadada Duulista Hawada ee Midowga Yurub ayaa Arbacada maanta ah sheegtay in shirkadaha diyaaraduhu aysan ka shaqeyn karin hawada dallka Iiraan, Ciraaq, iyo Lubnaan, iyadoo ay jiraan xiisado socda iyo suurtagalnimada tallaabo milatari oo dheeraad ah, iyadoo Mareykanka iyo Iiraan ay isweydaarsanayaan weerarro cusub. Hayadda EASA waxay sheegtay in war-saxaafadeedkeeda ku saabsan hawada Iiraan, Ciraaq iyo Lubnaan uu shaqeynayay ilaa Agoosto 31. Hay'addu waxay sheegtay inay ka laabatay war-bixinteedii hore ee ahayd in sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ay ka codsadeen inay taxaddar muujiyaan marka ay ka shaqeynayaan hawada dalalka Bahrayn, Kuwayt, Israel, Jordan, Qatar, Cumaan, UAE iyo Saudi Arabia. Lama caddayn in EASA ay soo saari doonto talo cusub oo loogu talagalay waddamadaas. Talada ugu dambeysay ee hay'addu waxay timid ka dib markii Ilaalada Kacaanka Iiraan ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen goobaha militariga Mareykanka ee Baxrayn iyo Kuwayt Arbacada maanta ah. Weerarradan ayaa ka dambeeyay mowjado weeraro ah oo ay ciidamada Mareykanka ku qaadeen Iiraan ka dib markii maraakiib shidaal oo marayay gacanka Hormuz ay ku dhufteen maraakiib. Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in Mareykanku uu heshiis la gaari doono Iiraan ama uu "dhammaystiran doono shaqada," taasoo dib u cusboonaysiinaysa hanjabaaddiisa ah in tallaabo militari la qaadi doono. EASA waxay sheegtay in hirgelinta xabad joojinta Mareykanka iyo Iiraan ay weli tahay mid jilicsan, go'aankeeda la-talintana uu ku salaysan yahay "xaalado heer sare ah oo socda iyo suurtagalnimada tallaabo milatari oo dheeraad ah." Hay'adda Yurub ayaa sidoo kale intaas ku dartay in haddii xabad joojintii jirtay ay burburto, hawada Iiraan ay u badan tahay inay la kulmi doonto "khatarro soo socota." 

ISHA-AN.

Previous
Previous

WEERAR ASKAR KU DHIMATAY OO KA DHACAY BAKISTAN.

Next
Next

WASIIRR FIQI IYO TALIYAHA XDS OO BOOQDAY RAAGE CEELLE IYO XAAJI CALI.