WASIIRAD KHADIJA AL-MAKHZUMI OO HADAL KA JEED…
(SAWIRKA)-WASIIRAD KHADIIJA AL-MAKHZUUMI.
(BAKU)-Wasiiradda Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Khadiija AL-Makhzuumi ayaa ka hadashay Madasha UNCC ee COP29 ee ka socdo dalka Azebajaan,Wasiiradda ayaa iftiimisay muhimadda ey leedahay xoojinta nidaamyadda digniinta deg deg ah si dalka Soomaaliya uu uga sii gaashaanto saameynta Isbedelka Cimiladda. Wasiiradda ayaa tilmaantay dadaalka dawladda FS ee dhismaha nidaam isku dhafan oo siiya bulshada macluumaad sax ah oo waqtigeeda ku haboon,si loo yareeyo saameynta fatahaada iyo abaaraha soo noqnoqday ee dalka ka jira. Wasiirad Khadiija ayaa xustay adeegsiga Saadaasha Cimiladda heer Qaran uu kaalin muhiim ah ka qaadanaayo ilaalinta bulshada iyo wax ka qabashada caqabaha Cimiladda. Nidaamkan digniinta deg dega ah ayaa ah mid isku xira xogta degaanka iyo aqoonta bulshada taaso suurtagelineysa in digniinaha lagu gaarsiiyo dadweynaha meel kasta oo ey joogaan iyadoo la adeegsanaayo aalado sahlan sida Moobaylka iyo Raadiyaha. Gabagabadii,Wasiiradda ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka iney taageeraan dadaalka Sooaaliya ee ku aadan xoojinta nidaamyadda digniinta deg dega ah,iyadoo ku adkeysatay in maalgashiga nidaamyadaan uu u horseedi doono bulshada Soomaaliyeed oo leh adkeysi iyo badbaado sare.
ISHA-SNTV.