SUUDAAN IYO ITOOBIYA OO EY KA DHEX TAFAN TAHAY.
(SAWIRKA)-KU-SIMAHA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SUDAN.
(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in dawladda Itoobiya ey maalintii Arbacada u yeertay Danjiraha Dalka Suudaan u fadhiya Itoobiya si wax looga weydiiyo hadal ka soo yeeray Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan kaaso soo jeediyey suurtagalnimada iney dagaal la galaan dalka Itoobiya haddii aan la xallin khilaafka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya ee GERD. Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibdda dalka Suudaan Md.Cali Yuusuf Axmed AL-shariif ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in dalka Suudaan ey la safan karto dalka Masar haddii ey fashilmaan wada hadalada biyo xireenka Itoobiya,waxa uuna sheegay in doorsahada dagaalka ey tahay mid furan haddii aan la gaarin heshiis xaqiijinaayo xuquuqda biyaha ee seddexda wadan(Masar,Suudaan iyo Itoobiya). Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya ayaa muujisay iney ka xun tahay hadalka Yuusuf u sheegay Danjire AL-Zeyn Ibrahim,isagoo ku nuux-nuuxsaday sida ey uga go’an tahay iney xiriir adag la yeeshaan Suudaan.
ISHA-ST.