WASIIRAD KHADIIJA AL-MAKHZUUMI OO LA KULANTAY MASUULIYIINTA NORWAY.
(SAWIRKA)-MASUULIYIIN.
(OSLO)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa sheegaayo in Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS Marwa Khadiija AL-Makhzuumi ey Oslo kula kulantay Xoghayaha Shaqaalaha Dowladda Norway iyo Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta dalka Norway. Wasiiradda Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb.Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi iyo wafdi ey hogaamineyso oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada dalka Norway Kjetil Vevle ayadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iyo wada shaqeynta labada dowladood. Kulanka waxaa Wasiiradda ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Maxamed Bashiir Cumar iyo C/laahi Maxamed Calas oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Norway, waxaana kulankaasi si gaar ah looga wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha la xiriira daryeelka Bulshada gaar ahaan tayeynta adeegyada loo fidiyo Caruurta, Naafada iyo Haweenka. Dhinaca kale Wasiiradda Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb.Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi iyo wafdigeeda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Norway (NORAD) Kristin Hagstad, kulanka oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee u dhaxeeya labada dal gaar ahaanna mashaariicda horumarinta ee ku saabsan daryeelka Caruurta iyo guud ahaan sare u qaadida adeegyada Mashaariicda la xiira Arrimaha Haweenka. Wasiiradda Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb.Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi iyo wafdiga ey hogaamineyso ee safarka shaqo ku jooga dalka Norway ayaa waxa ey kulamo muhiim ah la qaadan doontaa qeybaha kala duwan ee Dowladda Norway iyo Hay’adaha Dalkaasi.