WASIIR FIQI OO DHIGIISA KULA KULMAY SHIINAHA.

(SAWIRKA)-SOOMAALIYA IYO SHIINAHA.

(BEIJING)-Wasiirka Gaashaandhigga JFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Dallka Shiinaha, Admiral Dong Jun, xilli uu ka qayb-galay Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan. Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee heer Wasiir ah oo dhex mara labada dal muddo ku dhow 40 sano, taasoo calaamad u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku sharaxay horumarka muuqda ee ey Soomaaliya ka gaartay dhinacyada Amniga iyo Difaaca, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliyeed ey xoreeyeen dhul badan oo ey hore ugu sugnaayeen kooxaha Argagixisada, isla markaana lagu tallaabsaday xasillinta deegaanno muhiim ah oo dalka ka mid ah. Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, ayaa bogaadiyay horumarka iyo jihada wanaagsan oo ey Soomaaliya ku socoto, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa” dadaallada socda ee dib-u-dhiska amniga iyo adkeynta hay’adaha difaaca. Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyada oo diiradda la saarayo Xasilloonida Gobolka, la dagaallanka Argagixisada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo Nabad iyo Amni waara oo ka hirgala Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY DOORASHADA MADAXDA BOOSTADA…

Next
Next

CILMI BAARIS CUSUB OO KA HADASHAY KANIINIGA LAGU DAAWEEYO SOKORAWGA.