SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY DOORASHADA MADAXDA BOOSTADA…

(SAWIRKA)-WASIIR SOOMAALI.

(UAE)-Wararka laga helaayo magaaladda DUBAI ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaayo in Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si rasmi ah uga qaybgalay doorashooyinka hoggaanka Ururka Boostada Adduunka (UPU), kuwaasoo ka socda magaalada Dubai, halkaas oo uu ka furmay Shirweynaha 28-aad ee Ururka Caalamiga ah. Doorashooyinku waxay u dhexeeyeen jagooyinka ugu sareeya ee hoggaamineed ee Ururka Boostada Aduunka, kuwaasoo kala ah: Agaasimaha Guud, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud, Xubnaha Guddiga Fulinta Iyo Xubnaha Guddiga Hawlaha Boostada. Ka dib natiijada doorashada, Wasiir Maxamed Soomaali ayaa hambalyo u diray Mudane Masahiko Metoki, oo dib loogu doortay Agaasimaha Guud, iyo Mudane Marjan Osvald, oo markale loo doortay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud. Ka-qaybgalka doorashooyinkan caalamiga ah waxa uu Soomaaliya uga dhigan yahay tallaabo istaraatiiji ah oo muhiim ah, taasoo xaqiijinaysa in codka iyo aragtida dalka ey qayb ka noqdaan go’aannada waa weyn ee lagu hago mustaqbalka adeegyada Boostada Caalamiga ah. Sidoo kale, waxa uu dalka u furaa fursado cusub oo istiraatiiji ah, kuwaasoo lagu horumarinayo adeegyada Boostada Gudaha.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

DOOD DHINACA AMNIGA AH OO KA TAAGAN DEGMADA MINNEAPOLIS.

Next
Next

WASIIR FIQI OO DHIGIISA KULA KULMAY SHIINAHA.