WASAARADDA G/DHIGAY OO SHEEGTAY IN LA SOO XIRAY AFAR ASKERI OO KU…
(SAWIRKA)-ASKAR KU ISTAGAYSA CALANKA MARAYKANKA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in la xiray afar qof oo lagu eedeeyay inay si aan waafaqsanayn sharciga u adeegsadeen dareyska Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana ay ka muuqdeen muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya iyagoo ku tuntaya calanka Mareykanka. Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan dadkii lagu tuhunsanaa dhacdada la soo qabtay, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo faahfaahinta kiiska iyo cid kasta oo kale oo ku lug yeelan karta. Afarta qof ee ay Wasaaraddu magacyadooda shaacisay ayaa kala ah Cabdikhadar Mahad Cumar Cosoble oo 22 jir ah, Maxamed Raage Xuseen Maxamed oo 16 jir ah, Muudey Faysal Muudey Aways oo 17 jir ah iyo Maxamed Amiin Qaasim Muuse oo 15 jir ah. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in falkaasi aanu ka tarjumayn anshaxa, qiyamka iyo hab-dhaqanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyadoo xustay in aan loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo dhaawacaysa sumcadda ciidamada iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka ay wada shaqaynta leeyihiin. Dhanka kale, Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa cambaareysay dhacdada, iyadoo sheegtay in falalka ka dhanka ah Mareykanka ay waxyeello u geysanayaan xiriirka labada dal. Safaaraddu waxay sidoo kale bogaadisay tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen hay’adaha dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiinta Soomaaliya weli ma aysan shaacin waqtiga maxkamad la horgeyn doono dadka la xiray iyo eedaha rasmiga ah ee lagu soo oogayo, hase yeeshee waxay sheegeen in baaritaannadu ay sii socdaan, cid kasta oo lagu helo inay ku lug lahaydna lala xisaabtami doono.
H-ISHA-HOL.