SARKAAL AL-SHABAAB AH OO XALAY LAGU DILAY GARASBAALEY.
(SAWIRKA)-CIIDANKA NISA.
(GARASBALEY/MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasiadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ey sheegtay in ciidamadeeda ey habeenkii Sabtida ka fuliyeen howlgal bartilmaameed ahaa oo ka dhacay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, ee duleedka magaalada Muqdisho. Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa NISA ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay qof lagu tuhunsanaa inuu ka tirsanaa AL-Shabaab, halka qof kale oo lala beegsaday uu ku dhaawacmay. Saraakiil ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyagoo ku tilmaamay mid lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad lagu tuhunsanaa inay xiriir la leeyihiin AL-Shabaab. NISA ma aysan shaacin magacyada ama aqoonsiga labada qof ee la beegsaday, mana aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada amni iyo sirdoon ee ay hay’adaha dowladda Soomaaliya ka wadaan Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo lagu beegsanayo xubno iyo shabakado lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin AL-Shabaab.
ISHA-SNTV.