WARIYE SUWEYS GACEYTE OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAY.
(SAWIRKA)-BANAANBAXAYAAL.
(GARAWE/PL)-Wararka laga helaayo caasimadda DG Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in maanta oo Isniin ah kuna beegan 13/7/2026-ka ayaa sheegayo in Maxkamaddda Darajada 1-aad ee degmada Garawe ey saakay u fariisatay dhegeysiga Garmaqalka Wariye Suweys Gaceyte taaso muddo 11-maalmood ah u xirneed Dawladda Puntland. Suweys ayaa ah Madaxa Warbaahinta Suweys Media ee ka hawlgasha DG Puntland. Hadaba ayaa u dhacday sidaan,Qareen Cabdiweli(Qareen Abdiwali Xaq-udirir) ayaa Maxkamadda horteeda ka gudbiyay is-hor-taag sharci (Preliminary Objection) oo la xiriira dacwadda loo soo gudbiyay wariye Suweys Gacayte, isaga oo ku dooday in dacwadda aan loo marin habraacii uu dhigayo Xeerka Warbaahinta Puntland. Qareenka ayaa sheegay in dacwadda ay khusayso hawl saxaafadeed oo uu wariyuhu gudanayay, sidaas darteedna ay ahayd in marka hore loo maro habraaca gaarka ah ee uu dejiyay Xeerka Warbaahinta Puntland, gaar ahaan cabashooyinka la xiriira shaqada warbaahinta iyo anshaxa mihnadda. Doodda qareenka ayaa ahayd in murannada ka dhasha shaqada saxaafadda ay marka hore tahay in loo gudbiyo hay'adda uu xeerku u asteeyay ilaalinta iyo kormeerka warbaahinta, ka hor inta aan dacwad loo gudbin maxkamad. Sida uu sheegay, haddii aan habraacaas la marin, dacwaddu waxay yeelanaysaa cillad habraaceed (procedural defect), taas oo sabab u noqon karta in maxkamaddu aqbasho is-hor-taagga. Qareen Cabdiweli wuxuu sidoo kale ku dooday in Xeerka Warbaahinta Puntland uu dammaanad qaadayo xorriyadda saxaafadda, isla markaana uu dejinayo hannaan lagu kala saaro khaladaadka anshaxa saxaafadeed iyo dambiyada ciqaabta ah. Sidaas darteed, wuxuu ka codsaday maxkamadda inay marka hore go'aan ka gaarto is-hor-taagga sharci, ka hor inta aan loo gudbin dhageysiga nuxurka dacwadda. Qareenka ayaa ugu dambeyn dalbaday in maxkamaddu:
• Aqbasho is-hor-taagga sharci.
• Caddeyso in aan la raacin habraacii uu dhigayo Xeerka Warbaahinta Puntland.
• Joojiso ama dib u celiso dacwadda ilaa laga soo maro habraaca uu sharcigu farayo.
Maxkamaddu weli kama aysan soo saarin go'aan ku saabsan is-hor-taagga sharci ee uu gudbiyay qareenka, waxaana la filayaa in go'aankaas uu qeexo in dacwaddu sii socon karto iyo in kale. Intaas hadeynu ogga nimano doodda qareenka Marka la eego su'aasha ah "Yaa iqtisaas u leh dacwadda wariyaha?" Waxaan halkaan idinku soo gudbinayaa habraaca sharci ee lamaro , marka wariye la daweynaayo . Cabashada warbaahineed iyo arrimaha anshaxa: Waxaa marka hore qaabilsan Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland (Qodobka 5-aad). Qodobka 5-aad – Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland Qodobkani wuxuu dhisayaa Guddiga Sare ee Warbaahinta Puntland, wuxuuna qeexayaa awoodaha iyo waajibaadka guddiga, oo ay ku jiraan ilaalinta ku dhaqanka xeerka warbaahinta, anshaxa mihnadda, iyo xallinta cabashooyinka la xiriira warbaahinta. Aqoonsiga iyo imtixaanka wariyeyaashana wuxuu hoos yimaadaa guddigan. Qodobka 28-aad – Cabashooyinka iyo Xallintooda. Qof kasta oo ka cabanaya war ama barnaamij warbaahineed wuxuu xaq u leeyahay inuu cabashadiisa u gudbiyo hay'adda warbaahinta iyo Guddiga Sare ee Warbaahinta si loo baaro loona xalliyo iyadoo la raacayo habraaca xeerku dhigayo. Qodobka 29-aad – Xallinta Khilaafaadka. Haddii cabashada lagu xallin waayo heerka guddiga ama ay noqoto arrin u baahan go'aan garsoor, dacwadda waxaa loo gudbinayaa Maxkamadda awoodda u leh si ay u qaaddo dacwadda. Dhinaca kale, waxaa isna arrintaan ka hadlay Xildhibaan Sheekh Adduun waa uuna bartiisa Facebook0ga soo dhigay qoraal u qornaay sidaan:"Maanta waxaan ka mid ahaa dhegeystayaashii ka qayb galay garmaqalka kiiska wariye Suweys Gaacayte. Waxaa si gaar ah ii soo jiitay habraaca dacwadda, sida uu Xeer-ilaaliyuhu u bilaabay eedeynta iyo sida uu ishor-istaag Sharci ah u keenay Qareenka difaaca Suways. Sidoo kale, waxaa muuqday sida Guddoomiye Burhaan uu si deggan, caddaalad iyo nidaam ku dheehan yihiin u hoggaaminayay fadhiga maxkamadda. Garmaqalkani wuxuu ii xaqiijiyey in sharcigu ka sarreeyo qof kasta, isla markaana caddaaladdu ku dhisan tahay habraac iyo daliil."
ISHA-SUWEYS MEDIA.