MALEESHIYAADKA AL-SHABAAB OO LAGU DILAY SABLALE IYO XADKA KENYA.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA KENYA.

(SABLAALE/SH/HOOSE)-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyey degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu dilay toddobo xubnood oo kooxdaasi ka tirsanaa. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku jiray horjooge kaalin weyn ku lahaa abaabulka dagaalamayaasha iyo howlgallada Al-Shabaab. Ciidamada Danab ayaa sidoo kale burburiyey laba xarumood oo la sheegay in kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay tababar iyo faafinta fikradaha xagjirnimada. Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sheegeen in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo la beegsanayo horjoogayaasha, maleeshiyaadka iyo xarumaha kooxda, ilaa meesha laga saarayo halista Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgallada militari ee ka socda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab laguna sugo amniga deegaannada ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Ciidamada la dagaallanka argagixisada ee dalka Kenya ayaa sheegay inay dileen 11 xubnood oo ka tirsan AL-Shabaab isla markaasne ey dhaaaweceen todob kale, ka dib howlgal sirdoon ku saleysnaa oo laga fuliyay xero ay kooxda ku lahayd Gobolka Mandheera meel ee xadka Soomaaliya iyo Kenya. Bayaan ay soo saareen saraakiisha amniga Kenya ayaa lagu sheegay in howlgalka, oo ay fuliyeen cutubyo gaar ah oo ay taageerayeen diyaarado, lagu bartilmaameedsaday ku dhowaad 30 dagaalyahan oo la sheegay inay qorsheynayeen weerar ka dhaca deegaanno ku yaalla gobolka Mandera. Mas'uuliyiinta Kenya waxay sheegeen in weerarka lagu dilay 11 xubnood oo ka tirsan AL-Shabaab, halka toddobo kale ay dhaawacyo culus soo gaareen. Waxay sidoo kale sheegeen in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen saddex qori oo nooca PKM ah iyo rasaas gaaraysa 409 xabbo. War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in dagaalyahannadii ka badbaaday howlgalka ay dib ugu gurteen dhinaca Soomaaliya.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

WARIYE SUWEYS GACEYTE OO MAXKAMAD LA SOO TAAGAY.

Next
Next

DOORKA IMAARAADKA EE DAGAALKA DAACISH EE PUNTLAND.