WAFDI MILETERI OO KA YIMID SACUUDIGA OO SOO GAARAY MUQDSHO.
(MUUQAALKA)-WAFDIGA IMCTC.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Kaaliyaha Taliska Ciidamada Qalabka Sida ee Qaranka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey Nurey Ufurow, ayaa maanta soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga La-dagaallanka Argagixisada ee Milatariga Islaamiga ah (IMCTC), Sarreeye Guuto Maxamed bin Saciid AL-Mugeydi, iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho si ay u booqdaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha Guud wuxuu ka qayb geli doonaa daahfurka dhowr hindise oo ay taageerayaan isbahaysiga oo ka socda Soomaaliya, oo ay ku jiraan Barnaamijka Suxufiyiinta Nabadda. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo isbahaysiga, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha iyo macluumaadka, kobcinta awoodda ciidamada qalabka sida iyo hay'adaha amniga, iyo dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo khatarta argagixisada. Inta ay joogaan Muqdisho, wafdigu waxay la kulmi doonaan saraakiisha sare ee difaaca iyo amniga si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo IMCTC. Dadkii soo dhaweynta ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan; Agaasimaha Guud ee Difaaca ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Abuukar Maxamed; iyo Madaxa Ergada Soomaaliya ee isbahaysiga, Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Turyare.
ISHA-SNA RADIO.