KOOXAHA MUCAARADKA DFS OO SIYAABO KALA DUWAN UGA HADLAY QORAALKII WASAARADDA ARR..

(MUUQAALKA)-QORAALO MURAN DHALIYEY.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Waa wax aan aad ula yaabay qaabka la isugu xiray qoraladaan is dhinac yaalo iyo qaabka ey qaar ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaliya uga falceliyeen. Mid waxa uu amaan kala dul dhacay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md.C/salaam Dhaay halka kuwa kale ey qoraal Wasaaradda ku sheegeen inuu yahay mid Wasiirka isaga u gaar ah. Cajiib, horta dalka danahiisa ma waxaa ka horeeyo danaha Dawladaha Shisheeye ey ka leeyihiin Soomaaliya mase danta shacabka Soomaaliya ayaa horeyso? Qaar ayaa ku leh,waxaa isku dhinac ah Wasiir Dhaay iyo RW-Xamse oo waxa ey ka soo wada horjeedaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Md. Jaamac. Halka kuwa kale oo isla Mucaaradka DFS ah ey qabaan in Gudoomiye Jaamac iyo Dawladda Turkiga ey rabaan iney ka takhalusaan Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre. Laakinse intaasba waxaa ka sii daran Ex.Xildhiban ABIIb oo isagana qaba in DFS iyo dalka Turkiga ey Xasuuq ka geysteen Gobolka Bay ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. La taliyihii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhinaca Aniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa isagana qaba xiriirka Jaamac la sameeyey Madaxa Qubrus ee qeybta Turkiga iney tahay mid wax weyn u dhimeysa calaaqaadka caalamiga ah ee dalka Soomaaliya, Qubrusne tahay dal ka tirsan Midawga Yurub lehne madax banaanideeda qaran. Hadaba, intaas qofood ee Soomaalida ah kuna muufeysato/ Rootiyeysata Siyaasadda miyey idila tahay iney wada yihiin kuwa u wada adeegaayo dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed? Ogowne in dhammaantood ey wada haystaan Baasabooro Ajnabi ah oo ey dhici karto inuu wada saaran yahay cadaadis dibadeed oo ku qasbaayo iney burburiyaan Qarankooda aslaka ah. C./raxmaan C/shakuur iyo Xuseen Macallin waxa ey haystaan Baasaboorka dalka Ingiriiska halka Wasiir Dhaay uu haysto Baasboorka dalka Maraykanka, xusuusnow UK iyo US waxa ey hadda Hormuud ka yihiin wada hadaladda u dhexeeyo DFS Mucaaradka kala duwan ey leedahay DFS, halka Turkiga oo loo wakiishay arrimaha dhexdhexaadinta Soomaliya uu isna gacan saar fiican la leeyahay Afhayeenka Golaha Shacabka ee BJFS Md.Jamac. Haka weecanin oo haka ka bixin khadka oo is xusuusi dalalka deriska ah(Kenya iyo Itoobiya) iyo Dawladda Imaaraatka Carabta iyo saaxibteed Israel doorkooda ku aadan Duminta dawladnimada Soomaaliya oo ah mid aan qarsanyeyn saarane miiska inoo wada muuqdo. Isku soo wada duub qoraaladii maanta la soo wad geliyey Baraha Bulshada kuwooda kala duwan waxa ey muujinayaan in DFS ey u taalo hawl culus ey ku badbaadineyso dalkaan ey iyadu dhaaratay.

ISHA-Abu Mohamed/Facebook.


Next
Next

WAFDI MILETERI OO KA YIMID SACUUDIGA OO SOO GAARAY MUQDSHO.