URURKA SHEEKH SHAAKIR EE TAWFIIQ OO LAGA REEBAY LIISKA URURADDA GALMUDUG.
(MUUQAALKA)-GUDIGA DOORASHADA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-BREAKING NEWS:- Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka (GMDQS), ayaa si rasmi waxa uu u shaaciyey Liiska 12-Urur Siyaasadeed kuwaaso u taagan ka qeybgalka Doorashada ku celiska ah ee Dawlad goboleedka Galmudug. Doorashada ku celiska ah ayaa timid ka dib markii Maxkamadda sare ee dalka ey laashay Natiijadii Doorashadii hore ee dhacday taariikhdu markeey ahayd 30/7/2026-ka. In Doorashada Galmudug la laalo ayaa waxaa u sabab ahaay Xisbiga Tawfiiq ee uu Hogaamiyo Sheekh Shaakir(AHLU-SUNNA WALJAMAACA),kaaso dacwad ka gudbiyey qaabkii loo qabtay Doorashada Galmudug iyo ineysan ku qanacsaneyn Natiijadda la soo saaray. Liiska Ururadda rasmiga ah ee u Diiwaangashan tartanka ku celiska ah ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka(JSP) oo ahaa midkii ugu codad badnaa doorashadii hore ee la laalay. (2)-Ururka Karaama. (3)-Madalsan. (4)-Muwaadiniinta Soomaaliyeed. (5)-Dimuqaraadiga Soomaaliyeed. (6)-Dadka Soomaaliyeed. (7)-Saab. (8)-Dan Shacab. (9)-Sincad. (10)-Dhallinyaradda Talo Qaran. (11)-Ramas. (12)-Cadaaladda iyo Midnimada Tiir. Waxaa halkan ka maqan Ururka Tawfiiq ee Sheekh Shaakir Cali Xasan,sababta ayaa lagu sheegay in Ururku uu horay u qaadacay habraacyadda iyo jadwalka uu soo saaray Gudiga Doorashooyinka Qaranka. Doorashada ka dheceysa Galmudug iyo H/shabeele ayaa ah mid isku sidkan oo macnaheedu yahay mid lagu dooranaayo Golaha Wakiiladda iyo Golaha Degaanka ee dawlad Goboleedyadda H/shsbeele iyo Galmudug sida horayba uga dhacday dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
DIYARIYE/ABKEY-SOMALIA.
SUUQBACAAD MEDIA.