URURKA MIDAWGA AFRIKA OO WAR KA SOO SAARAY XAALADDA KGS.

(SAWIRKA)-XARUNTA AU-DA.

(ADDIS ABABA)-Wararka ka imanaayo xarunta Ururka Midawga Afrika ee Addis Ababa ayaa sheegayo in Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf uu ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la muujiyo is-dejin iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Guddoomiyuhu si dhow ula socdo xaaladda ka jirta Koonfur Galbeed, isla markaana uu xusay muhiimadda Golaha Wadatashiga Qaranka oo ah madal lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed laguna gaari karo is-afgarad. Guddoomiyaha ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay si wax ku ool ah uga faa’iideystaan madashaas, si khilaafaadka jira loogu xalliyo si nabad ah, isagoo adkeeyay in is-afgarad kasta uu ku yimaado wadahadal iyo wada-shaqeyn. Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa muujiyay walaac ku aaddan kororka xiisadda, taas oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan dulqaad dheeri ah, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta xaalad sii xumaata ama isku dhac hor leh. Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee uu u hayo dadaallada nabadda, xasilloonida iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isagoo diyaar u ah inuu ka taageero wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA AU-DA.

ISHA-HBN.

Previous
Previous

WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA DALALKA SACUDIG,MASAR, TURKI IYO BAKISTAN OO KULMAY.

Next
Next

CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO LA WAREEGAY DAYNUUNAAY.