CIIDANKA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED OO LA WAREEGAY DAYNUUNAAY.

(SAWIRKA)-CXDS.

(BAYDHABO/KGS)-Wararka laga helaayo xarunta ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ey Maleeshiyaadka khawaarijta AL-Shabaab ey ku jabiyeen dagaal ey kula galeen agagaraarka degaanka Daynuunaay, ee Gobolka Bay, ka dib markii ey khawaarijta AL-shabaab ey isku dayeen iney weerar gaadmo ah ku beegsadaan ciidanka Xoogga Dagaalka Soomaaliyeed, ciidamada ayaa waqtigaas ku sugnaay xeradooda. Kooxda khawaarijta AL-shabaab ayaa dagaalka loogu dilay 21 maleeshiyo, halka in ka badan 10 kalena looga dhaawacay. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Deynuunaay, oo ah marin muhiim ah iskuna xira wadada Baydhabo – Muqdisho. Arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii ey fashilmeen wada hadal la sheegay iney u socdeen Mw.Laftgareen iyo odayaal reer Koonfur Galbeed ah, oadayaasha ayaa weday in Doorashada DG Koonfur Galbeed ey noqoto mid daah furan eyna ka wada qeybgalaan dhammaan daneyeyaasha Hogaanka sare ee DG Koonfur Galbeed Soomaaliya balse Mw.Laftgareen ayaa isaga isku caana shubay shalay, waxa uuna qabsaday Doorasho hal dhinaca ah taaso qaadatay wax ka yar shan saacadood.

HALKAN KA AKHRISO WAR SAXAFADEEDKA:

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

URURKA MIDAWGA AFRIKA OO WAR KA SOO SAARAY XAALADDA KGS.

Next
Next

GOLAHA XIRIIRKA MARAYKANKA IYO ISLAAMKA OO KA HADLAY….