URURKA MIDAWGA AFRIKA OO KA HORYIMID BOOQASHADA…

(SAWIRKA)-DHISMAHA AU-DA.

(AU/ADDIS)-Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ayaa si adag uga horyimid go’aanka hal dhinac ah ee Israa’iil ku aqoonsatay “Somaliland” inay tahay dal madax-bannaan. Golaha ayaa ku tilmaamay talaabadan mid khatar ku ah madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Goluhu wuxuu ku baaqay in go’aankan si degdeg ah looga noqdo, isla markaana wuxuu xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, iyada oo lagu saleynayo Axdiga Aasaaska ee Midowga Afrika iyo qodobo khuseeya oo ka mid ah Axdiga Qaramada Midoobay. Bayaanka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aankii 26ka Diseembar 2025 uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga AU, Mahmoud Ali Youssouf, kaasoo diiday aqoonsiga Somaliland, iyadoo arrintani ay khilaafsan tahay mabda’a aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, islamarkaana wiiqaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka. Goluhu wuxuu caddeeyay in cidna xaq u lahayn inay beddesho xuduudaha dhuleed ee dal xubin ka ah AU, islamarkaana tallaabo kasta oo noocaas ah ay sharci darro tahay. Sidoo kale, wuxuu xusuusiyay in isku day kasta oo lagu beddelo xuduudaha xoog ama sharci darro uu halis ku yahay nabadda iyo amniga Qaaradda, gaar ahaan Geeska Afrika. Goluhu wuxuu ugu baaqay dalalka xubnaha AU iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan midnimada Soomaaliya, xasilloonida gobolka, iyo sharciyadda caalamiga ah, isla markaana ay ka soo horjeestaan fal kasta oo sharci-darro ah. Waxaa kale oo uu ku dhiirrigeliyay taageerada dadaallada Qaramada Midoobay ee ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Bayaanka ayaa sidoo kale ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda dhismaha dowladnimada, wuxuuna ku booriyay sii wadidda wadahadallada gudaha dalka oo loo arko sida kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah. Golaha ayaa codsaday in Guddiga AU, iyadoo kaashanaya IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC), uu sii wado fududeynta wadahadallo nabadeed oo wadajir ah.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

DIYARADI KEENTAY HARGEYSA WASIIRKA ISRAEL OO LA OGAADAY.

Next
Next

JAAMICADDA CARABTA OO KA HORTIMID BOOQASHADA…