JAAMICADDA CARABTA OO KA HORTIMID BOOQASHADA…
(SAWIRKA)-WASIIRKA IYO CIRRO.
(CAIRO/EGYPT)-Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareysay booqashada uu Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil uu ku tagay magaalada Hargeysa, taas oo ay ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Qayt, ayaa lagu sheegay in booqashadaasi ay tahay isku day cad oo lagu doonayo in lagu sharciyeeyo in Somalilan ey tahay dhul ka madax banaan Soomaaliya inteedi kale, arrin ay Jaamacadda Carabtu si buuxda uga soo horjeedo. Jaamacadda Carabta ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ah in ay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, islamarkaana aysan aqbali doonin wax xiriir rasmi ah ama mid aan rasmi ahayn oo lala yeesho maamul kasta oo ka baxsan dowladda federaalka ah. Sidoo kale, Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in tallaabadan Israa’iil ay sii hurin karto xiisadaha siyaasadeed iyo amni-darro ka dhalata gobolka Geeska Afrika, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Afhayeenka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa xusay in Jaamacaddu horey u qaadatay go’aanno cad oo diidan faragelin kasta oo shisheeye oo lagu wiiqayo qaddiyadda Falastiin ama lagu sameynayo saldhigyo militari oo shisheeye dalalka Carabta iyo Afrika. Ugu dambeyn, Jaamacadda Carabta ayaa ballanqaadday in ay sii wadi doonto taageerada siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo mid farsamo ee ay siinayso dowladda Soomaaliya, si loo ilaaliyo midnimada, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalka.
XIGASHO-HOL.