URURKA JSP OO CALI GUUDLAAWE U SOO XUSHAY MUSHAROOXDA H/SHABEELE.
(MUUQAALKA)-MUSHARAX CALI GUUDLAAWE.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), si rasmi ah u siiyay kaarka musharraxa xisbiga ee doorashada hoggaamiyaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Go’aanka ayaa ka soo baxay kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee JSP oo ka dhacay xarunta dhexe ee xisbiga, halkaas oo xubnuhu cod gacan-taag ah ku ansixiyeen in Cali Guudlaawe uu noqdo musharraxa xisbiga. Munaasabad lagu shaaciyay musharraxnimadiisa oo ka dhacday isla xarunta ayaa Cali Guudlaawe lagu guddoonsiiyay shahaadada kaarka musharraxnimada, iyadoo xisbiga uu sheegay in go’aanka uu qayb ka yahay diyaar-garowga doorashada Hirshabeelle ee soo socota. Xoghayaha Guud ee JSP, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga inay garab istaagaan musharraxa, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loogu diyaar garoobo doorashada. Guudlaawe oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in marxaladdii xifaaltanka siyaasadeed ay dhammaatay, isagoo ku baaqay in dhinacyada siyaasadda ay ka wada shaqeeyaan mustaqbalka Hirshabeelle loo dhan yahay. Cali Guudlaawe ayaa muddo ku dhow lix sano hoggaaminayay Hirshabeelle, waxaana magacaabistiisa musharraxa JSP ay ku soo beegmaysaa xilli uu khilaaf siyaasadeed ka taagan yahay doorashada hoggaanka Hirshabeelle. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa diidan habka loo wado doorashada Hirshabeelle, iyagoo sheegay in aan doorasho ka dhicidoonin Hiiraan haddii aan marka hore la gaarin heshiis siyaasadeed. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Hagar Dabageed ayaa dhawaan ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka baxay ballan uu horey u qaaday, taasoo ahayd in qof kasoo jeeda gobolkaa Hiiraan la siin doono kaarka JSP ee doorashada Hirshabeelle.
ISHA-HOL.