ALSHABAAB OO LA SHEEGAY INEY TAHAY KOOXDA UGU AWOODA BADAN AL-QAACIDDA.

(MUUQAALKA)-MALEESHIYADDA ALSHABAB.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Xogta Colaadaha iyo Dhacdooyinka Hubeysan (ACLED) ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay weli tahay kooxda hubeysan ee aan dowlad ahayn ee ugu awoodda badan Soomaaliya, isla markaana ay tahay garabka Al-Qaacida ugu rabshadaha badan dunida. ACLED ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay Soomaaliya ka waddo kacdoon muddo dheer socday, iyadoo kooxda ay weli maamusho ama saameyn xooggan ku leedahay dhul ballaaran oo miyiga ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka. Sida lagu sheegay xogta hay’adda, in ka badan 2,300 dhacdo oo la xiriira rabshadaha siyaasadeed oo ay Al-Shabaab ku lug leedahay ayaa Soomaaliya laga diiwaangeliyey tan iyo bilowgii 2026. Tiradaas ayaa, sida ACLED sheegtay, ka dhigan ku dhowaad kala bar dhammaan dhacdooyinka rabshadaha ee dunida sanadkan lala xiriiriyey kooxaha Al-Qaacida ku xiran. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in gobolka Shabeellaha Hoose uu yahay deegaanka ay rabshadaha Al-Shabaab ugu badan yihiin Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkan. Kooxdu waxay sidoo kale sii waddaa inay xoog ku yeelato dhulka miyiga ah ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ka sameysatay shabakado dhaqaale iyo kuwo maamul oo u sahla inay sii waddo howlaheeda. ACLED waxay sheegtay in Al-Shabaab ay sidoo kale dhaqaale badan ka hesho shabakado ku fidsan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, inkastoo howlaheeda dhaqaale ee gudaha Muqdisho ay xoogaa daciifeen, waxay walaac ka muujisay mustaqbalka taageerada caalamiga ah ee howlaha amniga Soomaaliya. Hay’addu waxay sheegtay in go’aanka Mareykanka ee ah inuu Diseembar 2026 joojiyo taageerada dhaqaale iyo saadka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu khatar ku keeni karo joogteynta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sida ay ACLED qabto, haddii awoodda howlgalka Midowga Afrika ay hoos u dhacdo, Al-Shabaab waxay heli kartaa fursado cusub oo ay ku soo ceshato dhul ay hore uga lumisay dowladda, isla markaana ay cadaadis dheeraad ah ku saarto magaalooyinka ay dowladda gacanta ku hayso sannadka 2027. Qiimeynta ACLED ayaa sidoo kale Al-Shabaab ku tilmaantay tusaale muujinaya sida shabakadda Al-Qaacida ay u beddeshay qaabkeedii 25-kii sano ee ka dambeeyey weerarradii 11-kii September, Halkii Al-Qaacida ay ka ahaan lahayd urur leh xarun juqraafiyeed oo keliya, kooxaha ku xiran ayaa maanta si weyn ugu dhex milmay colaadaha maxalliga ah ee dalal kala duwan.

Next
Next

GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO JOOJIYEY LACAGTII HORAY LOOGA JARI JIRAY.