URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO KA SHIRAY AQOONSIGA YAHUUDA EE SOOMALILAND.
(SAWIRKA)-ASTAANTA URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA.
(JEDDAH/KSA)-Wararka laga helaayo magaala Xeebeedka Jiddah ee dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa sheegaayo in Gudiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo yaqaano OIC,oo heer wakiilo joogta ah uu shalay oo Khamiis ahayd kuna beegneed 1/1/2026-ka uu shir ku yeeshay Xarunta Xoghaynta Guud ee Ururka OIC ee magaaladda Jiddah,ujeedka Shirka ayaa ahaa sidii ey uga wada hadli lahaayeen arrimaha kasoo kordhay dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib markii Yahuuda ey aqoonsatay waxa loogu yeero SOMALILAND iney tahay Dawlad Madax banaan. Khudbadiisii uu ka jeediyey shirka Kaaliyah Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda Md.Yuusuf Bin Maxamed AL-Dubeyci isagoo ku hadlaayey magaca Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaanka(OIC) Md.Xuseen Ibrahim Taha ayaa xaqiijiyey in Midnimada, Madax banaanidda iyo wadjirka dhuleed ee Jamhuuriuadda Federaalka Soomaaliya ey yihiin Mabaadi’ida aasaasiga ah aan gorgortan laga geli karin. Xogahayaha Guud wuxuu carabka ku adkeeyey in Xoghayaha Guud ee Ururka uu si cad u muujiyey cambareyn xoogan kuna aadan bayaanka Yahuuda ee ku aqoonsatay Gobolka loogu yeero Somaliland, iyagoo iska diiday bayaanka oo dhan sheegayne iney tahay xadgudub cad oo lagu sameeyey Madax banaanidda, Midnimadda Qaranka, iyo sharafka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu xaqiijiyey taageeradda buuxda ee aan kala go’a lahayn ee uu Xoghayaha Guud ee Ururka u haayo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sideey uga go’an tahay xuquuqda aan laga leexan karin ee Soomaaliya ee ah iney ilaaliso Madax banaanideeda, Midnimadeeda Qaran iyo sharafta dhulkeeda. Wuxuu ku celceliyey diidamadda Xoghynta ee isku day kasta oo lagu soo rogo xaqiiqo cusub oo wiiqeysa Xasiloonida Gobolka, khatarna gelineysa Amniga guud ee Gobolka Geeska Afrika,isla markaasne u gogol xaareysa isku dhacyo iyo xiisado dheeraad ah oo aan u adeegeyn dadka dego Gobolka, Nabadda iyo Amniga Caalamiga ah.
XIGASHO-OIC.