MAROOKO OO MARTIGELIN DOONTO KULANO ADAG BERRI OO SABTI.

(SAWIRKA)-KOOBKA AFRIKA.

(RABAT/MAROCCO)-Tartanka Xulalka Qaranka Kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika tirsigiisii 35-aad ayaa waxa uu hadda si habsami ah uga socdaa magaalooyinka waa weyn ee dalka Boqortooyadda Marooko. Tartankaan ayaa waxaa ka qeybgelaayo ilaa 24-xul Qaran ee K/cagta,waxaane loo qeybiyey ilaa lix Wareeg(Group) oo Wareegiiba ey ku wada jiraan afar Xul Qaran,waxaane ka soo baxay ilaa 12-kooxood oo lagu daray afar kooxood oo lagu soo xulay cayaar wanaag,waxaane laga soo xulay Wareegyadda 3-aad, 4-aad, 5-aad iyo 6-aad si loo dhammaystiro 16-ka koxood. Hadaba wareegyada 1-aad iyo 2-aad iyaga lagama soo xulin kooxaha seddexaad sidaas darteed waxaa ka soo baxay afar kooxood oo kaliyah. Wareega 1-aad waxaa ka soo baxay Marooko iyo Mali, Wareega 2-aad waxa ka soo baxay Masar iyo Koonfur Afrika,Wareega seddexaad waxaa ka soo baxay Nigeriya, Tunisiya iyo Tanzaniya, Wareega 4-aad waxaa ka soo baxay Senigal, DR Kongo iyo Benin, Wareega 5-aad waxaa ka soo baxay Aljeriya, Burkino Faso iyo Sudan,Wareega 6-aad ayaa waxaa ka soo baxay Kaameruun, Ivor Koosti, Mosambiiq.

ISKU AADKA KOOXAHA 16-KA AH:

-Sabti-3/1/26, Senigal Vs Sudan. Waxa ey ku cayaari doonaan Garoonka Caalamiga ah Tanger.

-Sabti-3/1/26, Mali Vs Tunisiya. Waxa ey ku wada cayaari doonaan Garoona Caalamiaga ah ee Maxamedka 5-aad ee Casabalanka.

-Axad-4/1/26, Marooko Vs Tanzaniya. Waxa ey ku wada cayaari doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Mawlaa Cabdallah ee Rabat.

-Axad-4/1/26, K/Afrika Vs Kaameruun. Waxa ey kuwada cayaari doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Agdal madina ee Rabat.

-Isniin-5/1/26, Masar Vs Benin. Waxa ey kuwada cayaari doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Adrar ee Agadir.

-Isniin-5/1/26, Nayjeeriya Vs Musambiiq. Waxa ey kuwada cayaari doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Fez ee Fez.

-Talaado-6/1/26, Aljeeriya Vs DR Kongo. Waxa ey kuwada cayaari doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Mawlaa Xasan ee Rabat.

-Talaado-6/1/26, Ivor Coast Vs Burkino Faso. Waxa ey kuwada cayaari doonaan Garoonka Caalamiga ah ee Waaxaha Sayid Brahim ee Marakaash. Kulanadaan ayaa ah kuwa aad u adag waayo kooxaha ayaa ku khasban iney kala badiyaan mana jirto barbar dhac,waxaa cayaarta lagu derayaa 30-daqiiqo oo dheeri ah,haddii ey kala adkaan waayaan waxaa loo dhigi Rigooreyaal,kooxdii laga badiyo waxa ey dib ugu laaban doontaa dalkeedii hooyo. Sideeda kooxood ee soo baxa waxa ey isaga horimaan doonaa kulano la mid ah kuwa 16-ka oo kooxdii laga badiyo waa iska tegeysaa. WAXAAN IDINLA WADAAGI DOONAA NATIIJADA.

DIYAARIYE/ABKEY-MUQDISHO-SOMALIA.

Previous
Previous

URURKA ISKAASHIGA ISLAAMKA OO KA SHIRAY AQOONSIGA YAHUUDA EE SOOMALILAND.

Next
Next

TURKIGA OO SOOMAALIYA U SOO DIRAY MARKAB SHIDAALKA QODA.