UK OO GACANTA KU DHIGTAY BASAASIIN.
(SAWIRKA)-BOOLISKA INGIRIISKA.
(LONDON)-Magaaladda London ee ah caasimadda dalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu xiray seddex qofood oo lagu tuhmaayo iney basaasiin u yihiin dalka Ruushka waxaane baaris ku haayo hayadaha amniga ee dalka Ingiriiska sidaas waxaa sheegay warbaahinta maanta oo Talaada ah. Seddexda qof ee la tuhmaayo ayaa u dhashay dalka Bulgariya waxaan xabsiga lagu hayaa tan iyo bishii Febraayo-2023-ka sida ey sheegtay idaacadda BBC-da,seddexdaan qofood ee u xiran dawladda Ingiriiska una dhashay dalka Bulgariya loona haysto basaasnimada ayaa kala ah”Orlin Roussev 45-jir ah,Bizer Dzhambazov 41-jir ah iyo Katrin Ivanov 31-jir ah,dhamaamtood ayaa ku edeysan iney la shaqeynaayeen sirdoonka dalka Ruushka,waxa eyna dalka Ingiriiska ku noolaayeen muddo sannado ah,waxa eyna ka soo shaqeyeen shaqooyin kala duwan waxa eyna deganaayeen daafaha magaaladda.
ISHA/SB-MEDIA.